Ogoow galladiyo awoodu
Ma aha wuxuu gooyo maalku.
Ogoow garashada xiskaagu
Ma aha wax ku gudha hungowga.
Ogoow galbashada qoraalku
Wa aha waxa gaba falkaaga.
Ogoow wax gudboo ku dhaafay
Ma aha wax ku geliya quusta.
Ogoow garab li’i naftaadu
In ay tahay guul mid keenta
In ay tahay goonideedda
Mid gaadha halkaad daneyso
Go’aanba halkaad astayso.
Is garo bal is baro qudhaada.
Guntoo gudo hurumarkaaga
Hadaadan garwaaqsan taada
Sideed ku geydaa amaanta
Ilaah gabigood makhluuqa
Adiga gaar kaaga yeelay.
Intaa gogol iyo araar dheh
Gufaaciyo weedh gobeed dheh
Maansaddan godolideeda kow dheh.
Hal kale aan guuro weedha
Aan dego godka ugu muhiimsan
Gundhiga aan ugga talaabo
Aan galo miidiyo gudoonka.
Inaad tahay gulihiisa
Mid gaar u qabsada dantiisa
Garwaaqsatay oo cadaatay.
Hadaba gurashada awoodu
Amase gidigeed aqoontu
Hal ay gabigeed u foofto
Gudoonsoo iyanna weelo.
Guulaha waxaa kuu dhaweeya
Si wayn garab kuugu siiya
Gardaaddiya dhimiradaada
Garaadkanna kuu hogaansha
Akhriska goolkiyo leh goorta.
Akhrisku waa gummaro deeq leh
Akhrisku waa furaha guusha
Akhrisku waa Aayad gaara
Akhrisku waa geed ku beerma
kaskaagiyo garashadaadda
Akhrisku waa shayga gooya
Go’aankiyo hurumarkaaga
Akhrisku waa geedi yaab leh
U guura libtiyo mucdeedda.
Aadmigan kala gooshay maanta
Cirkaa sahankiisu gaadhay
Waxaa galbiyoo hogaanshay
Akhriska leh xil gudashadiisa.
Bal garo isna baro duxiisa
Guntoo gudo weelistiisa
Hadaadan garwaaqsan maanta
Sideed u geydaa libtiisa
Ilaah gabigood ayaadka
Isaga gaar uggu bilaabay.
Gunaanadka ereyadaydan
Waxaan gelin shaanbadayda
Guuloow murtidiyo wanaaga
Digeed garashada kaskiisa
Gundhiga ku gudbiya tixdiisa
Gaadhsii mid ka hela libtiisa
Geeraarkiyo maansadaydan
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Curintii: Abwaaan Cumar Ismaaciil Digeed