Gabaygii: Keeno gabay

Kaafka maanso kaydkii murtida, keenadii gabaygu.
Kalaam kayga weeyoo anigu, koobay idilkiiye.
Kunna ladhay ku sii daray kun kale, oon dhigeey karine.
Kaftan heesa saar kaalin gala, jiifto kala sooca.
Dhabar-soor kal-soor kaba’ milgaha, shirib kas doojaaya.
Guuroow kanziya oo kulmiya, kiiska iyo weedha.
Kooxaha wiglada koor xafo ah, kololodoo joins.
Kaskaygaa Ilaah baray si korra, koobin iyo baanne.
Karti libinna guul kaalin gala, wiil karmeed warraca.
Kun laboodi kaligii jimaha, kare kun jeer dhaafsan.
Ma kurbade ma kaar-qabe aduun, keyse wacan reebe.
Koonku hadhe kolkii uu galbado, kaallin fille iilka.
Kuma ruuxa keenoow ? Digeed, koow u qiro maanso.

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo