Gabaygii:Caad igama saarrnayn
Caynlaydan gaaban wuxuu Aadan carab ku soo qaadanaya Arrimo dhawr ahoo ka dhacay degaankii uu ku barbaaray.Waxay ahaayeen dhacdooyin markii hore fudayd lagu galay ama dhibaatada ka imaan karta aan si wanagsan looga fiirsan dabadeedna la eeday oo guuldaro lagala kulmay ha lagala kulmee wuxuu gabyaagu inabarayaa inuu isagu waxa dhici doona dareensanaa oo ay bilawgii horeba u caddayd wixii lagu kacaayey
in aan la mahadin doonin dhacdooyinkaas oo shan ahi waxay kala ahaayeen
1) Ciidamdii talyaaniga& Ingiriisiga eegeyiga soomaalida ku loollamayey oo wuxuu arkay dhamaadkii 1900 meelo isku dhow dhow la dajeyiyey iyo saraakiishoodii oo kolba kulamo yeelanaya waxuu ogaa markay sidaad yeelayaan inaysan daacad ka ahayn2)Arinka kale waxuu goob joog u ahaa Khaalid oo reer faarax hagar ku gardarroonaya kolkii la abhinayey ku joogsan waayey markaas bey u cadayd in aan faro la isla gafayn3)Waxuu Arkay reer Aadan-Hagar ooAdhi iyo Ashkinba ay xoolihii
Ka bateen,dabadeedna kibir ka qaaday markaas bay Abwaanka u cadayd in xoolahaasi dhaafi doonan,taasina waa rumowdey waxayna dhacday Ciidan Ingiriis oo uu ISMIIDH duulinayo markii lagu soo carcoorriyey oo askar ay gumaadeen darteed geelal farabo badan looga mooradduugey4)waxuu Arkay rag damac hayo walina ka hadhi la’ gabadh aabbaheed baxshay oo nin gayaankeeda ah kula xididay5)Ugu danbayntii waxuu sheegayaa colaadii daraadeed markii harawaati rag askar ingiriis u ahaa ay ku laayeen oo geelashii hawd la dhaafin waayey
Cismaan xaajiyoow gabay hadaad caawa iga doonto.
Cibaarooyin badanaan arkaan kuu cammirayaaye.
Idinkuna xafida waa masalo loo caajaaibaye.
Markay calanka laba dawladood ceel ka wada taagtey
Caqiidkiyo markii saajimada ceeg la wada joogo.
Camal daarka iyo kaabihhii wada cashaynaayey
Cad igama saarnayn inay ceebid daba taalee.
Ma carraabo keliyuu ku tegay kii la celin waayey?
Cimrigooda niman boobaya maaha caynkaase.
Markii cagaha dhiga khalidkaa lagala caal waayey
Ee cadowga reer Faarax Hagar laga cadhaysiiyey.
Carraaliyo markii laysku dayey cuurkan bah-ugaadha.
Caad igama saarrayn inay ceebi dabo-taale.
Cawlyahayan habeen hore miyaa haadku ku casheeyey?.
Calool buuxsantaba guul daraan looga caal heline.
Caanaha markuu Aadan Hagar haan ta ka cabbeeyey.
Ee cago-yartii xoolaha iyo cuudku wadi waayey.
Cad igama saarnay inay ceebi daba taale.
Ma colkii ismiidh wadi jiraa caasha loo geliyey.
Markii caalinkii inanta qabay culammadii maagtay
Caddood iyo markii seeddiyadii lagu ciseyn waayey.
Caad igama saarrnay inay ceebi dabo- taale.
Waa loogu cadhay maalintey calagta laayeene,
Cawgiirta sow lagama dhigin ciidanki u kooday.
Markii geela caynaba iyo daran laga ceshiimeeyey.
Cagociid markuu maalin qudha ka cokanaan waayey.
Curcurihii walwaaleeed markii lagu cashuuraayey.
Caad igama saarrnayn degmadu caydh inay tahaye.
Ma caraancarkii shiil-caskaan caato socon waayey.
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed