Gabaygii: Murtid weeye

Lib-ku-faanka iyo ku-dhaadashada guusha maalintaas reer hagar usoo hooyatay ayuu
dib ugu noqonayaa isagoo tirada ay laayeen ku faraxsan aanse u qalmin ragii lagu laayey burcodhalinyarad ku guubaabinata in uu u leyn doono muqadimiin lagu ilaawi karo dilkii Ina Cige iyo Xaajigii

Adan carab gabaygan uu ku xusayo mar rag Safar reer hagar ah 1935 Awr ka soo rartay magaalada Berbera ay jidka u galeenrag Muusa cabdalle ah ay damceen inay safarkaasna dhacaan dagaalkaas jilibka baa la isu aasay ragii safarka ahaa iyo qolyahii Musa cabdalle


Ciidankii muse cabdalle ayaa waxay galeen marinka Shiikh ciidankaas waxaa Abaanduule u ahaa nin la oidhan jiray Cabdalle AfguduudColkaas dhamaantood waxay ahaayeen habaryoonis,Musa cabdalle waxay doonayeen Hubka iyo waxa Awrta saaranba inay dhacaan hase ahaatee waa male khasaareen.Goobtii maalintaas oo Qaras-gooy loo baxshay waxaa ku Adkaaday Nimankii Dhulbahante Reer Hagar Ciidankii wadada u galayna waxay ka dileen rag faro badan oo uu ku jiro Abaanduulihii Cabdalle-Afguduud safarka laftigiisu ma nabad gelin oo waxaa dagaalkii kaga dhintay rag dhowr ah sidaa darteed waxaa safarkoodii loo baxshay markay Hawd tageen Axan-side


gabaygan waxa kale uu ku xusayaa Adan caran Meesha la Yidhaa Harawaati ee Qorilugud dhinaca waqooyi ka xigta mar Ingiriisku usoo diray Ciidan habaryoonis ah oo uu
hogaaminayo Nuur-guunn ay halkaas ugu yimaadeen reero Adan Hagar ah oo damceen inay geelal ka dhacaan Halkaasna Lagu dilay 14 nin oo uu ku jiro Abaanduulihii Nuur-Guun,markaa gabaygan waa dhaadasho waxuuna ina dareensiinyaa libinta usoo hooyatey waxuu Yidhi:-


Mufti wuxuu hadlaa goor cilmiga loo muctaad yahaye
Jeeroy masalo oodantoo maaro laga waayo
Oo meher haween iyo xaqoo mururgsan loo keeno
Muqniga looma soo furo su’aal aan micne lahayne
Anna waxaan mastuuroba kolkuu gabaygu ii muuqdo

Ee aan maroorsado lib aan la igu muunaynin
Ee muusanow ii baxaan midho ka sheegaaye
Markaasaan makaabka u koraa ceelka maaxda ahe


Maadhiinka waxa geelayaga loogu madhinaayey
Ee tii mar-curad loo gartiyo ugubka loo miidhay
Ee maydabtii loogu qubay sumuca maaroobey
Maan-laaweyaashaan ogaa inay na maageene

Habaryoonis Reer Hagar makiyo mooday xaramkiiye
Malabkiyo jannada dhiigagayagu uga macaanaaye
Annagiyo Makaahiil u file muruq-tagoogeede
Laakiinse moogeysi baan muranku dhaafayne


Ku margade hadday mihindiseen muudasadoo liqa’e
Abraahiin maliid iyo ku noqoy mur iyo waabay’e
Waxay Barina kaga maagayaan waa masiibada’e
Marqaan kama sokeeyeen haddaan moosku caabbiyine!


In kastaan malyuun iyo hal reer la isu miisaamin
Mayalkaan wax kula qaybsadaa waa mintidayaaye
Umana mohanno Daarood inuu noo muraarado’e
Madaan ahay xigaalkayna waa maadhan oo kale’e!


Miyigiyo magaalaba dilkaa dunida maansheeyey
Malahayga Harawaati baa ugu mar weynaaye
Muusa Cabdallena goosan baa marinka Shiikh yaale;
Imminkana marxaladdaasi waa guul munaasiba’e


Iyagoo macaash naga hayiyo mudaneyaashiiba
Oo aan col maamuli lahaa meel fog ugu duula
Oo aan masaafiyo jid dheer wax u maleegaayo
Oo muuseyaal doonayiyo manida Caynaanshe


Illaahii kuwaan meerin jirey soo masaafuriyey
Oo soo muquunshaa iska leh mahadda koowaade!
Gaadaha maleegane la yidhi magac ha soo hooyo
Iyo beel marriyo loo akhriyey weliba mawliidka


La midiidin labadaa ilaah kuu la meel yahaye
Nimankaa waraabaha mirdhaa cunayo meydkooda
Misir lama dhigeen shalay hadday naga maqnaadaane
Mawd iyo xaq baa Qarraro yidhi soo maraanmaro’e

Awel bayna maandaah dhashiyo mudho kaxaysteene
Malkaday ka qaadeen halihi macawis loo saarye
Raggana kaan maqaayaha ahayn maal ku baayaca’e
Haddaannaan makaline aanay ool maqasha daaqeeda


Murtad weeye reer bayna fiid miri lahaayeene
waxbaba yay matalin Xaajigiyo madawgi dheeraaye
Rag la mida maqaamkiina guda ama maqaawiirta
Iyaguna maruun bay imaan madashii Caymeede
Manjo tiro ku gaadh uma qalmaan mudaneyaashiiye!

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo