Gabaygii: Iska aamus

Soomaalideenniii hore waxaa caadooyinkoodii ka mid ahayd inay isu gabyaan Marmarka qaarkood waxaa dhici jir­tey inay gabayadu colaad, dirir iyo iska-hor-imaad soo jiidaan marmarna iyagoon waxbaba keenin ayaa halkooda lagu dhaafi jirey. Reer Hagar iyo Caligeri ayaa intii muddo ah isu gabyi jirey, markaas baa ceelka Laasadaar la yidhaahdo laysugu yimid oo gabayadii laga heshiiyey, ninkii mar dambe gabay maag ah tiriyana waa la xukumay in senge far­dood laga qaado. Calidhuux iyo Ismaaciil Mire (Caligeri) ayaa – mindhaa midkood gabayadii xadhigga ka furay, mar­kaas baa Aadan – carab (reer Hagar) dhirfay oo tixdan mariyey. Wuxuu yidhi;
isagoo Calidhuux iyo Ismaaciil af­lagaaddeynaya :

Suulkii laasadaar laysu dhigay suuro noqon waaye
Qawlkii sengaha laga xukumay loo saldhigi waaye
Sandhal weeye nabadday dorraad nala saxiix­deene
Siyaadiyo ninkii boqol ji’raa seera – dhaaf noqoye ,

Suufigan Ismaaciil Miriyo saanta’ Calidhuuxa
Sawiriinta reer Caligeraan saro la’aanayne
Salaan iyo Qamaankii’ dhinteey sano wadaageene
Sayid iyo Bidhiidh waa raggay kala sed qaadeene

Odayada sirqaha wada noqdee qaatay sebenkooda
Sallibyada dadkii lagu daree seexashada diiday
Saanreebyadaan aamusay sayncaddaaga’ahe

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo