Gabaygii:Β Tolka Ururiya.

Gabaygan waxuu Abwaanku mariyey mar eedo badan reero reer Buuhoodle ah soo sheegteen,iyadoo eedahaas ay Samakaabka iyo warfaa, cigaalku yidhaahdeen tolka wax uma dhino,magaciina waxuu ku dhacay Ararsame iyo Caligeri Waxuu Yidhi:-

Teer iyo markii Eebahay igu ilhaameeyey
Waa taan awaar gabay noqday ee la i aqoonsadaye
Dhaaxaan agaasimay sidii alifka diimeede
Waxaan haatan aashaa u idhi aakhir sabankaase
Goortaan ka owlaadsadey baad igu igbaartaane
Waxaan ahay awood iyo ninkaa gaabshay orodkiiye

Meesha iyo hadii aan aamusane ku ishtihaadaayo
In abaal gudkiisii iyo xaqii imanayaan qaato
Yaan eegayee maba sugeen ururka luuqeeye
Maantana tixdaasaan unkee ararta aan dhaafo

Nina Odolla iyo reer Warfaa aadmi kuma layne
Ararsame iyo reer Caligerow idil ahaantiinba
Maansadeen afeefteedu waa aragti xeeldheere

Ooftiinu inay muuqato oo cadow ilaalaysto
Oo ay ilaaqdaan waxii aqalka hoos jooga
Oo ila xidhkaa idin qarshee eedahu ka idlaato
Yaan ka arinshee talada yaan odayo loo waayin

Uugaame tobankii qolee ee inagu oodnaaye
In iinsaayihii laqan ku dhigay urugo gaadhsiiyey
Oo uu asbaabkani ku yimi yaan u eersadaye

Goortuu inkaar waalid qabe edebdaro u gaysto
Aan iyo jifo buu leeyahee maha oodhfane’e
Waa in uu dadkuu ka isiraa eeda bi’iyaaye

Nimankaa lafahii adhaxda iyo eheladeenii dheh
In abaari keentay la tahay aarankaa kacaye
War waa aboodi aynu nahay ul iyo diirkeede

Iji weeye waligood oo waa la is ag joogaaye
Nin waliba abtigii buu la yaal ama awoowgiise
Hadba ubaxa kaca yaa gabdhaha laga aroosaaye
Cishqina malaha yaradkaad xeryha kaga afuuftaane

Ilin qaadka baahadana waa lagama oo aane
Isku aragnay goobtana dagaal oo ku aaminaye
Daarood intiisii kale iyo nimanka Iidoorba
Iyagaa alool bir ah noqdayoo kaga adkaateene

Abyad kuma qabnee waliba waana ixtiraamaane
Waxa ay doqonto eed kaga dhigtaa ha igu anafoone
Iil kama baxsado geel hadii aan adhi ka hoosayne
Abaal danbeed goor horaa loo afuri diidee
Afcadkiyo amaahdoo dhan bay igu itaashaane

Midka la isku ayaa magalo amar ku taaglayse
Waa duul ikhyaarkooda qaba aan indho la’ayne
Haday maalin awrta u qabtaan uduga beeshooda
Ay subax awaal kaga kacaan idanka Buuhoodle

Sidii duul aradan baad tihiin aan alaab sidane
Iblays iyo Jinina waa rabaan inay u roobaane
Awal iyo sidii Arabna waa iman karaysaaye

In gumaysi aakhiro qabtoo oo aaska nagu duugay
La ogaa nin badow ay galoo omaska joogaaye
Ingiriis ha doontiyo xoree Aashiyaba qaare
Afrikoo dhan bay dowladnimo u ogolaadeene
Amxaarkuna ka dar raaciyaha aaga bari keenay

Madhibaan abaansiga ka hadal oo Ajigii diidyay
Abdo maleh gobtii aad aarka jaban adhaxda moodaaye
Tolka ururiyoo oo derisku yuu iga ugaadhoobin
Inaga waxii uur bugta ah ina ilowsiiya
Aarkii Cabdina guud ahaan ugu alaab qaata
Oo Axanku yuu iga xumaan agas rag waa geel

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo