Gabaygii:Β Digniin iyo Talo
Gabaygan Adan carab waxuu ka mariyey tuulada la yidhaa Dhagaxdheerdhowr iyo kontonkii iyadoo maalintaa lagu dhan yahay Dhulbahante/Habarjeclo, intii reer oodeed ahayd markaas baaqolyaha habarjeclo waxay sheegteen eedo isagoo eedihii ka jawaabaya abwaanku waxuu yidhi:-
Sada gabay beryahan aniga waad igu saluugteene
Misna ima su’aashan waxow u sababay caynkaase
Siyaasaan ahaan shicibka aan kala saraayaaye
Sirtuna waa ku xaaraan ku hadal sow qabiili yahaye
Maantaase ula siibtay waa surucyadiisiye
Goortaan saqdii dhaxe xalay kala safaynaayey
Salaadaba malaa uma kaceen wali siraataaye
Iminkaba suxuun baa cusube bal aan idiin saaro
Isagoo safar ahaan ku jira saa’il iyo weerar
Hadii Maxamed feedhaha sarban iyo saabka laga toogtay
Aan surubku kuwuu wada dhexmaray la isku saaweynin
Sabta looma quudhee magtaa la igu saxariirshay
Iyaba waa sifada muuqatiyo belo sansaankeede
Salkeedaan ogaan Habar-jeclooy waana sugayaaye
Naftaa saacadeedii gashaye sibiq tidhee duushay
Ee lagu saliday wiilashaa saaqidka iyo tuugta
Sodon iyo intaan boqol halaad subax ka soo taagay
Socdaalkii galbeed iyo cabsiga sahanba ii diiday
Iyana waa sifada muuqatiyo balo sansaankeede
Salkeedaan ogaan Habar-jeclooy waana sugayaaye
Anba godobta way iska samraye la ima saacidine
Sintaydaa guhaad kala baxdeen waana saamaxaye
Reer xaajiga aan saaqsanayn saxar yar oo gaadhay
Iyana waa sifada muuqatiyo belo sansaankeede
Salkeedaan ogaan habar-jeclooy waana sugayaaye
Kol haduu sinbiiriyo dhib degmada laqan sare u keeno
Sooryada xashiish ciidamada lagu sabaaraayo
Samane iyo waxa uu Yeesif wado ama samaynaayo
Iyana waa sifada muuqatiyo belo sansaankeede
Salkeedaan ogaan Habar-jeclooy waana sugayaaye
Siniin iyo miniin wiilal aan sano dagaal qaadin
Saarkiyo ciniinkii doraad sabada dhiibaayey
Sare galaha nimankii ahaa laga sakaar goosto
Sanbuurka iyo Cimraanka igu nacay samo inoo daaya
Iyana waa sifada muuqatiyo belo sansaankeede
Salkeedaan ogaan Habar-jeclooy waana sugayaaye
Sida dowladaha sayninska leh ama sawaariikhda
Ee inay ku seexdaan ku maqan samada guudkeeda
Mar uun baa qabkii idin sixraad saa’id noqoteene
Salaan iyo walee lacagta Yurub waa idin sidataaye
Ninse haduu sabto waa dhaw buu yara sinsaarayne
Salaankaad korteen toban qoloo soo dhacaa koraye
Gaalkii sarkhaamee rabiga saatirka ah sheegtay
Sankubay kaneeco u gashoo laga sancayn waaye
Anagana sengahii qoofalaa sahale noo dhaafye
Sitaacii fardaha waxuu ku lumay solow colaadeede
Sayidkii dabeed sharaftu waa naga siloonayde
Suunaarigii uu fuuli jiray saban haybkaygu
Ilma sugule aan uga xil qabin silica mooyaane
Cid kalay ka sayn dhabanayaan saaka ma ogayne
In kastaan u saarsaday wadaad saqafkii mawdkayga
Soomalidii kale dhamaan saxalku maansheeye
Idinkaa saboolada gobta sowraceedana lehe
Sujuud iyo shugri baa idinku wacan mana samaysaane
Nimcadii dadkeedu u sir galay waa sabuul dhadhaye
Siiga case waa taydinaan saatanba ahayne
Saboolkii hodmaa nabada waa iskaga safaadaaye!!
Caanaha sartiina u hoyday iyo sixinta doogaaya
Laxda sabarka weyn iyo idaha sumulka loo dooday
Geelaa saraar buuxiyey iyo seeriga hawdka
Gaadhiga sekada goynaya iyo siisowga is jiidhay
Siiboodhka laydinka dhigay saaka gurigiina
Sabada iyo daaraha burcay sibidhsantay hoostu
Sakatariga iyo jeermaanadaa suuqa kala qayba
Sibradiina beesada la yidhi waa sawaree qaata
Dhalinyarada suudhkeedu yahay suufka ruxanaaya
Naagaha siyaakhadan dhar waa siinada haweene
Aan dahabka loo kala sudhnayn waa sunbiyo gaare
Saabici iyo uulaba cilmiga laydin solon siiyey
Sekondariga weyn inamadaa saray u weydaartey
Sariirtiyo kursiga loo yiqiin beri saraakiisha
Safaarado shisheeye iyo kufriga idinla saaxiibay
Iyo soohdintan aad durugsateen sarar balaadhkeeda
Salkeedaan ogaan Habar-jeclooy waana sugayaaye
In Dhulbahante seeraba dalkkii kuu sandaladeeyey
Sool iyo amxaaro iyo qarfay uga saqaafeene
Suntaal ragaa Qararo yaal ama Sareefkoo dhan
Waa kii Nugaal saban jiroo kaaga suudalaye
Soon qaadba geedigani waa soo susubayaaye
Salcaan baan ahaye cadhada yaan kugu sowlixine
Waa saymo Aarkii wax badan suudi la eryaaye
Bal car maanta seeto iyo awr suun halaga gooyo.
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed