Gabaygii:Β Damaashaad

Aadan wuxuu gabaygan tiriyey markii Ciidan Dalka Soomaaliyeed ka tirsanaa taladii dalka la wareegeen Kuwaas dadku moodayey barkhad u dhalatay oo ka roonaan doona maamulkii ka horreeyey, ummaddana gaadhsiinaya horumar iyo himilooyinka ay higsanayaan, . Wuxuuna yidhi:


Warka xalay daf soo yidhi maruun daahi aqalkayga
Ee ay diyaarado sideen Xamar ka soo duulay
Alle lehe dambaab lama hadlee waan ku diirsadaye
Dumuqraaddi waa inuu kursiga kala dumaalaaye
Jeeraan danteenna ugu bogo danabka loo dhiibay
Hadba inuu mid duubka u xidhaa waa dariiq furane
Distoor baa u yaal madaxda kii dawga gees mara e.


Dibitaatiyadi uummiyaha kala dillaalaayey
Ee aanay doocba u tarayn dabaqaddaan saarnay
Ee sida dameeraha biqlaha dabada noo jeedshay
Ee shicibku meeshuu ka diday nagu dudduucaayey
In Ilaah ku daalacanayiyo duni ma faallayne
Xooggii dalkiyo ciidankii siday dabbaabbaadka.


Kol hadday dugaagtii qabteen Doollarka eryeysay
Daacuunka Soomaali galay inuu dawoobaayo
Oo caafimaad irra daf odhan waa daliil run ahe
Daalkiyo harraadka i hayiyo diifta iyo oonka
Gaajada i dubaye laftiyo diirka kala siibtay
Darbo waxaan ku noolahay dhakhasaba waa debberayaane.

Duulkii shisheeye ahna waa layska daaficiye
Sida geel daboortii u yimid xerada oo diiq ah
Dalkayaga cidhiidhiga ku jira waa durkinayaane
Deyrkiyo xuduudkoow Hawaas dacalka kuu saarnay
Doogada rnadoobeey Wajeer duhurka kaa taagnay
Dakaddii Jabbuutaay cashuur dalab leh kaa qaadnay

Duligi na fuuloow hadh galay dibadda kuu xoornay
Dabayshii indhaha naga riddaay helay duggaalkaaga
Daruurtaay ku soo noqo cirkaad daydoo qarin weydey
Roobkii Idaanada joojiyey iyo dirirradoow hoora
Dooxooyinkii wada gubtayoow daadku idin buuxi
Dixidiyo dareemada dhintayoow doogsay xididkiinnu
Ceelkii daguugmay ee gudhayoow ilo ku soo duule


Durdurrada biyaha laga shubtiyo webiyadoow deexda.
Xoolaha dabaadiga hadhayoow darara oo naaxa
Doobkiyo hablihi kala dala’yoow wada damaashaada
Dibjirkiyo shaqaalaha dacsayoow daafadda u aaya
Doonyaha caddilanoow alaab soo daldala xoog leh
Gaadhiga darbaalka huwanoow dilindillee suuqa
Beeraha dayacnoow sabuul daawasho leh muuja
Duulkii amaah nagu lahoow deynka idin siinnay
Daaskiyo dukaammadii madhayoow dahabka miisaama


Shuuciga arlada doonayoow idinku soo deyney
Xaylaha intii soo durkay iyo Orobbadaay duubo
Dakankayga nimankii hayayoow idinka soo dooxnay
Waayeelki nagu daallimoow sharafti kaa diirray
Labadii dulmi is raaciyoow duunka ka collooba
Daaraha khiyaanadu dhistayoow duma ilaa fooqa
Kooddishe haydin xukunto iyo tacaddigoo suula
Sharcigii diciifka u noqdayoow derejo kuu yeellay
Dayaxoow iftiin waadigii demiyey nuurkiiye
Qorraxdaay dabiib waa habeen dama adduunkiiye
Rabbigii xaq daahirin jirayoow daacadda u hiili.

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo