Gabaygii: intii muuqataan diliye

Rag door ah oo gabyaa ah ayey isu gabyi jireen Aadan-Carab. Rag kale ayuu ka yaabay iyana ku biiraan oo uga hiiliyaan kuway gabayga isku maagaan. Markaas ayaa Aadan-Carab gabaygan oo uu ugu cagajuglaynayo u tiriyey si aanay usoo hawaysan.
Wuxuuna yidhi:

Siduu Xayle madax reer-tolkii uga muraaddeeyey, Oo kii is muujaba xabsiga ugu malaasaayo Yaa ii maloodaye intii muuqataan diliye,

Isagubu mas’uuliyad u diid reer Mukaannina e Ina Mililig buu xabashi yiri hooy mid ka ahoowe Iyagoo manjaha ciid ka badan ama rnalyuunaad ah Inuu keligi malabkooda cuno weydin maqasheene Ma muddaahaneeyee haddana wuu maroorsadaye Goortuu xanjada muudsadoo miidda ka idleeyo Ee waxa macaan kala buxuu murudka siiyaaye.

Aniguna ninkii aan mooy i odhan waan maraanmariye Mandheeraan idiin diri dadyohow ii musuusuqiye Maqsin baan idiin furi hadhuudh lagu masruuftaaye Baddaa murugtay baan moolka dhexe idin muquursiinne Oo waan idin masaafurin ilaa toban kun oo mayle Isagaa magayniyo ahaa mudan xigaalkaye Haddaan Samatar meeshuu fadhiyey kaga maqnaanwaayey Oo Cumar markaan maagganaa moosin ila jiidhay Ma cid baan martabad siinayaa malaki sow mi ihi.

Afartii muftiye Diinta dhigay Mahamedna u keenay Sidooday madbacadda ugu taal maansadaan idhiye Mahdabtaa shanaad baan dejayood ila murmaysaane Inkastoo midhaha laga sinmo iyo madasha luuqdeeda Murti baan ka reebaa hadhiyo anigu maahmaahe Misaan haddii aan hadal lahayn waa micna la’aane,

Maskax baan lahaynine horaa la midiidimaye Ma maroorsibaa gabaygu waa ii rnihiibgalaye?
Maa layga maashada haddaan la iga maarmaynin?
Milki baan u yeeshaye maxaa lay matiyi waayey?
Maskab kuma qabee jeer miyaan laygu magacaabin?
Waa maxay dadka u muhanayaa meheraddaan haystay?

Amba kama mahoobbiyin tolkay maansadaa badane Masar iyo Kharduunna uma tegin mana masaafoonne Kamana mudanin
shiikh ii marsha oo macrifo i dheere Waan mihindisaye iima dhigin macallin yeedhshaaye waa shay maqaaddiir ku yimid aan yar maammulaye Sow duul masayr ugu dhinteen madadka lay siiyey wiil baa masalo ii dhigtaye miinyo xumadiisa kuwaan mooggan waa murakabkaa meydka shaabaha e Mugduu soconayaa nacas hadduu maalin joogane e Hadba doqon marraysani ha galo maadhikiis adage Maantana kumaa soo mudh yidhi moodki baa wada e.

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo