Gabaygii:Â Dhidibalay
Gabaygan waxuu mariyey Yusuf C.Suusle markii uu geeriyooday Allaha u naxariistee Adan Yusuf Ahmed (Adan carab) ayaa qolyo Iidoor ah yidhahadeen Odayadii gabyi jirey idinka dhinte oo gabyaa ma lihidin. markaas buu gabay marshay.
waxuu Yidhi:-
Inuu gabaygu dhabarkii Shaxdiyo dhoodi wali yaalo
Dhoobada Marqaan iyo inuu dhabilay ceegaago
Dhakab iyo inuu Tuurwareen dhayda ku cabaayo
Dhaameelka Hawdiyo inuu dhacarto Heegaale
Oo dhamacdii Buuhoodle taal rag u dhawaan diiday
Dhabable iyo Banyaal inuu dhooban yahay laaso
Oo aan dhilaalo iyo Qudayr dhaaxo laga waayin
Dhaqan guuri maaye inuu dhumuc ku sii yeeshay
Dhayal iyo ninkii been qaboow waa dhab xaajaduye
Dhidibada u aasani murtida waa dhadhaab culuse
Dhaxalkeedi waa haysanaa dhuuxi mowtida’e
Haday odayadii naga dhinteen dhalay ragoodiiye
Dhiirane Cabdaa noo ka ciyo Dhaarsane iyo Foode
Takar baa dhufayskii la galay dhoombirkii Cumare
Halkii buu rasaas aan dhamaan dhowda ku hayaaye
Dhalinyaro iyo waayeelba waa uga dhaqaaqeene
Dheeg aw xuseen baa ku jira dhaalkii Xadhadhan’e
Dhudubaha waxuu ugu jiraa yaan la soo dhicine
Ceelkii dhanaan leh Nugaal dhawr nin baa shuba’e
Dhamow Jaamac iyo Aadan buu dhibay naftoodiiye
Iyagaa dharaar iyo habeen laga dhagaystaaye
Waa kaa dhafooradu goteen dhuubmo iyo weyde
Aniguna dhigoodaan ahiyo dhool Gu’ oo da’aye
Dhalanteed nin raaca lumiyo dhediyo ceeryaane
Inuu kaygu dharad doog lehiyo dheef yahaad garane
Sidii Aar dhufayskii hurdiyo dhuumo lagu doontay
Ay dhagax ku tuur tuurayaan dhoobiyada geelu
Waa laygu dheel dheelayaa dhiif anoo qabo’e
Gabno dhicisay lama dhaaciyiyo dhaqayo jiilaale
Dheehaan idiin soo godliyo dhaahan oo dihine
Dhoolaha nin soofaynayaad dhiidhi geliseene
Dhiilkii naxwaha lagu shubaad dhami Siciidow’e
Waa idin dhaqaalaynayaa sida dhashaydiiye
Dhaayahu haday furan yihiin dhegona ii yeesha
Afartaa intaan dheeli tiray dhego jac maw diidey
Dhambaalka iyo araartaydu waa dhaadasho iyo wiire
Dheemaarkii geediga miyaan dhan u boqoolsiiyey
Sidii geel dhareerkii jaf iyo dhoon ka jalaqleeyey
Maku dhilay dhabaha Caynaba ee dhaanku ka arooro
Ceelkuu u dhalandhooli jiray aan u dhaadhaco’e
Aan dhabeeyo dhaartiyo wallee dhaabada ahaaye
Aan dhaxanta kaa kiciyo iyo dheelalaabada’e
Wali hadalku waa dhiman yahee aan dhamaystiro’e
Dhoof iyo socdaal baan jiree ima dhaliisheene
Markaan cadowga dhabanaanin jirin maydinaan dhalane
Dhirbaaxooyinkii bay qabaan aan ku dhigay qaare
Waa taan dhaloombaha ka dhigay iyo dhalfiifaha’e
Dhaymaha hadaa lagu hayaa dhaawacaan badaye
Maantana dhawaaqaygu waa u dhiillo iyo hooge
Waa u dhow la’aan iyo faduul dhowda ii timide
Dhangaagaalayaal baa u lumay dhago adaygaase
Kuwa haatan dhuuhayna ee dhabarku ii muuqdo
Intaan dhabiga loo qorin baan dhuunta lee yahaye
Dhugti iyo ninkii shiish isbida waa la dhigayaaye
War dhabankii aan ka liishaami jirey dhibic hala ii saaro
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed