Gabaygii: Raq iyo Haad
Abwaanku gabaygan uu mariyey waa sarbeeb, hadafka guudna waa la garanayaa laakiin raga Awrka lagu sheegayo ama tilmaamaha kale midna Abwaanku ma sheegin cida ay
yihiin Waxuu Yidhi:-
Rayo aan da’ayn baa galbeed rag u hilaadsheene
Markaas bay hayaan ugu rareen reerahoo nagiye
Rafaadka iyo geediga muday sii rafanayeene
Rucliha iyo talaabadu markay reedo ka idlaatay
Rajaday qabeen oo dhanbaa raad la’aan timide
Wax la yidhi Rabiishow lawaa roob xagaayano’e
Wax la yidhi ramaaskaa engagay raysna ma hayaane
Wax la yidhi ragii “Dhaa” lahaa ruubay dhoobada’e
Wax la yidhi Riyihii oomanaa ruqub ma haystaane
Wax la yidhi rakablihii raacay waa raran gubyoodeene
Wax la yidhi markay soo rogeen raabo ka halowye
Wax la yidhi Shabeel roorayaa raydabkii galay’e
Raq iyo Haadna waa sheegayeen raacdadii timide
Inayse naagi raas weyn tihiyo raaliyaa wacane
Mar haday ninkeedii ratibay raaxo ladi waayo
Rasiidhka iyo waraaqdeedu waa rabid la’aan hooye
Rabshada iyo qaylada danbaa lagaga raystaaye
Rabacii bicda ah diinta way kala riboodeene
Rabina kama aqbalo toobad aan riisanka ahayne
Nin rahmaday walaalkii intuu raashin ku amaahday
Risiqii ba’yoow waxuu cunaa ribiyo laaluushe
Ruqso malaha aakhirana waa u raran cadaabeede
Nin ruwaayad loo dhigay intuu run u malaynaayo
Rayiga iyo aqoontiisu waa ruux xidiidinahe
Reer yadiisa Awr baa cuniyo raradii saarnayde
Raamsiga ma daynine laftuu ruugayaa waliye
Ratigii madoobaa xaluu haamihii ridaye
Rugta lagu bireeyow maxuu reerkayagu eeda
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed