Gabaygii:Boocame2

Gabaygan waxuu u mariyey shirkii BoocameII, isagoo markaa Abwaanku jooga Shaxda markaad Akhristaan baad fahmaysan ujeedada gabayga waxuu yidhi:-

Gabay waa markuu beegan yahay baahi aragtiise
Ana waxaan bal dhowraba xaluu uu burqaday laase
Bayaankiisa aan diro tolkay waa burji u yaale

Bancadiyo waxaan la hadlayaa Boocame iyo Hawde
Buuhoodle weyniyo Shaxdii baaqu haw tago’e
Baynaha Taleex iyo Nugaal buunka haw tumo’e
Ha baraarugeen dhowr gu’ waa balacsanaayeene

Boga iyo salaan baan wadnaha baal ka soo jaraye
Boogaadintiina qalbigu ii balbalayaaye
Anigoo barqiyadaydu tahay baadilka iyo laabta

Biyo dhaca warkayga runtoo beenta ka ilaashay
Nin badheedhay hadalkiisu waa baylka ka cadeeye
Ana waa midaan badhax lahayn kaan idiin bulaye
Toban xaajo aan soo bandhigay beerka ka ogaada

Boqor iyo Garaad iyo Suldaan amase Beeldaaje
Biladii Abwaanada lahaa baalka laga taagay
Iyo shiikh burdaha noo akhriya bariyo yaasiinka
Iyo buuni iyo caalim kaan baabna celinaynin

Iyo borofosoorkii yaqaan sayninska iyo buuga
Iyo Ciidamada Baydan iyo bayladhku hor joogo
Iyo nimankan baadiye digee ba’iyada ilaasha

Alleylahe sidaad u badan tihiin waan idiin bogaye
Hayeeshee ninkii boqol halaad buurka ku ekeeyey
Ee boodhcad lagu qoojiyo baarqabna u saaray

Inkastuu bidhaan quruxsanay badanku laacaayo
Badho lagama waayiyo abeer beeshay naasaha’e
Idinka rag wada bool la’ iyo buufiyaa jira’e
Burge iyo nin liitaana waa baqal shisheeyaade
Inay qaar balaysani jiraan beerka ka ogaada

Niman baan sidii baydho geel baadi ku ogaaye
Oo aan bidhiidh iyo lahayn balaqso mooyaane
Waa niman sidii baaniyaal beeso uun rabo’e
Waa niman berbera looga lulay balag ay eedayne

Baahi mahaysiyo aduun badan la’aantiiye
Baraarka iyo wankooda ku filan badhida waaweyne
Iyagaaba loo baratamaa biica xoolaha’e
Afkuun baa balaadhiyo hunguri booc madoobaha’e

Cashaba waa siday ugu baxdaa biidhi qaataha’e
Tobankii bariis doon hadaan bayda lagu haynin
Boodada horay aadayaan Boorame iyo Shiikhe
Inay talada buuq galinayaan beerka ka ogaada

Hadii wiil yaroo beyni baxay buus la odhan waayo
Buntukha iyo rasaasta markuu boobe la ordaayo
Inta badan waxuu bi’inayaad baga tidhaahdaane
Hadba yuu halyey biriim ah iyo baashihii diline

Nin haduu baxsado qaar kaluu baab u furayaaye
Baqdin iyo xishood bay mid uun baran lahaayeene
Labada haday baal maraan waa “Ba” iyo hooge!
Badhka geeya oo dila xaqaa lagu badbaadaaye
Inaan kaasi baradeena gubin beerka ka ogaada

Dhaqankeena waa waxa badalay buuri iyo qaade
Waa belo hareeraha ka timid oo busaarad ah’e
Waa waxa barbaartii Isaaq baytimaal dhigaye
Idinkuna sidii baaloleey haw bislaanina’e
Bakhti iyo nijaasbaa nin cuna loo baxshaa magace
Balwadii xun waa laga tagaa beerka ka ogaada

Inta aan Cigaal oo bakhtiyey biil udaba joogo
Ama aan bidhaan durugsan iyo bari jaleecayno
Ama aan Bulaale iyo Wardheer Bookh isku eryayno
Bunka hoose lama eegin iyo bahal galeenkiiye
Bacawga iyo qaniinkaa guryaha buuxa Caliyow’e
Baranbarada iyo jiirku waa ina baraysteene
Booraan dawaco joogto iyo buulalaa jiro’e
Sidii bololka loo goyn lahaa beerka ka ogaada

Nin kaleba bariidiyo salaan ha igu baashiro’e
Bulsho iyo wanaag Habar-jeclaan biidna ka aqoone
Waa niman bukaan socod ah oo boogi damaqdaaye
Waa niman dagaal wuu baxaaye booran waligoode
Waa niman adaan bayr lahayn beylahdaa jecele
Waa niman ninkii booqasho ah beer u yurura’e

Burco iyo ilaa Caynbaa belo idiin taale
Oo baadidoonka iyo socdaal lagu bireeyaaye
In kastay bilaahida maraan waa bar kuma taale
Inaan nabadu been ku aslaxayn beerka ka ogaada

Nimankaa wadada boodhka weyn baadhasho u jooga
Baabuurta noo raran intay fadhato boobayso
Ee ay hablaha baariga ah Ba’ay ka yeedhayso
Ee koodu Beyriyo ilaa Badhan ka gooshaayo
Inaan taasu waa baadil ee burino weeyaane
Sidii aan u baabi’in lahayn beerka ka ogaada


Daaroodka kala baahay waa nin iyo booskiise
Nin waliba badhkuu joogo waa biixi kugu taale
Ogaadeenba waa buur dugsiya oo buruud culuse
Biyihii Absame weeye iyo baho Daraawiishe
Inkastay abaalkeen ba’sheen ha ugu baanina’e
Birta cadowga wow siman tihiin beesha reer Dalale
Inaad beel walaalo tihiin beerka ka ogaada

Soomaali idinka u badha oon barbar ahayne
Idinkaa biriijkii wadnaha ee bariga yaale
Bidixda iyo midigtiinu waa labada baaloode
Bogcadiina idinka oo fadhiya oo basar u jooga
Baaq baaqa sheekada hadii loo balamo dowlad
Nina yuu balaynkiisa odhan boowe igu raace
Inaad kiina boolaysataan beerka ka ogaada

Boholyowga qaran baa indhuhu ila basaaseene
Jeeraan buluuglay arkoo biligle guudkeena
Aan baarlamaan iyo rayiis bower leh u doorto
Oo aan dalkeenii burburay binada aan aaso
Bini aadamkii naga tagee baaska nagu dhaafay
Bulxankeena jeer ay maqlaan bigilka yeedhaaya
Wax kaloo la buun buuniyaa ima bogsiiyaane
In bishaaro loo helo midaa beerka ka ogaada

Afartaa bariisada cirkoo bururo loo hooray
Dhul baliidhay baad iyo xaydh beelo nabadeed
Baardheere iyo Jawharoo wabigu buux dhaafay
Sidoodii butaacada miyaa baxarka lay mooday
Budhlayda intaan waranlihii baqo taraarsiiyey
Oo baydal dheerow sengaha beydadka u giijay
Barbariiqo boodiyo kadliyo badhi kac mow diiday
Barqaduu asqoobaa ninkii ila baqoolaaye

Ninkii Budulka soo raacayoow waan iskaa bariye
Hadii ay Baraar iyo rag kale bixiso ii keento
Isagoo Biciid ah iyo anigoo bogaya liishaanka
Barta shiishka bowdada lafuhu waa baduugaha’e
Bundhigiisa ruuxii lahoow baaji waa talo’e

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo