Gabaygii:Naylo Jaliye
gabaygan Yusuf .C.Suusle waxuu mariyey mar Cigaal shir Adis-ababa lagu qabtay ka yidhi cidii naga soo horjeeda cirka ayaanu ku dubanaynaa.
Abwaanku waxuu yidhi:-
Nuxur maleh Cigaalow warkii nooga kaa yimide
Aduun baa nayaayiray sidii nugul caruureede
Ninse kugu yaqaan baan ahaa naaruqaadada’e
Niyada iyo qalbiga waa digii naashif ka ahaaye
Naxligii caloosha iyo markay nidirtu weynaatay
Nuux nuuxsigaagii danbaa neefi kaa timide!!
Neerfuhu waxay kula kaceen waa nactooyada’e
Nabarka iyo dubaha wow sinayn noorad iyo sowde
Labaduba nitaaqada afkay niishka galiyeene
Nacfigeeda maandeeq ragay naaxisaa dilaye
Naasaha kuwii goynayaad ugu nac weynayde
Nin weyn baan ahaa dowladii aad naa’ibka ahayde
Naanays xun baa kugu tiil nuquladeediiye
Naf ba shacabku idin moodayey iyo duul nasteexa ahe
Nidar been ah idinkoo maraad nacam lahaydeene
Maantana nadaamkaad wadaa kuu najixi waaye
Nasiib darinadaa Maxamadow waa lagaa naxaye
Nacdal baa ku tuul ruux haduu naar afuuf yahaye
Nahyina waa ku soo dagay Ilaah nabiyadeeniiye
Aduun baa nabiibaha wada iyo naado dhiillo ah’e
Nawaaxiga Hargaysaad dagaal ugu nayaadayso
Nimcadii Illaahay markuu nooc walba u dhiibay
Waa tii nuskhaan looga dhigay neebi dirireede
Maantana waxii nooli waa naafiyo ceydhe
Intaan nabada u baaqay baan nuur u daalacaye
Naaskii irmaanaaday bay nuugayaan waliye
Aniga fardihii noogay waa naaxayaan Gu’ga’e
Nadiga iyo shaabuugii baa loo nasinayaaye
Hadii aad dagaal naawishaad na arki doontaaye
Naqbaa reerka loo sahamiyaa meel nagaadiya’ahe
Nabiiq iyo fuf bay eegataa nacasta jiilaale
Nageerida iyo laalays haduu nirirkii laacay
Nugaal iyo Shaxdii kuma sinayn naylo-jaliyuhu
Neecowda haysaane waa naalo iyo guule
Nayruusku ha i dhaafo iyo naas madoobuhuye
Nujubka iyo dabaylaha nasakhan hay nashuushadi.
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed