Gabaygii:Leyliga lixaad lihi haween waa, luggoyn jiraye
Laaqsi gabay Salaanow adaan, layli ku ahaannin,
Aan laaqin mooyee murtida, laaxin ka idleynnin
Oo weli la liicliicayaad, rag isku laashaaye
Lur baad kororsataa iyo inaad, dacarta leeftaaye.
Adigoo aan laaqin u ahayn, kaygu waa lacage
Waa laba-khasaar inaan murtida, kuu lisaa adiye,
Hayeeshee sidii wax iga lumay, an ugu luuqeeyo.
Leyliga lixaad lihi haween waa, luggoyn jiraye
Haddii aan raggii loodinayn, dumar ma liicshaane
Leeleesho gaaladu haddaanay, kugu lammaanaannin
Adba ilama aad loollanteen, oo Lillaahiya’e
Libna iga Wallaad haysateen, Ledana maasheene.
Jar inaad ka laallaadid oo, lulato mooyaane
Lugba meel bannaan ma aad dhigteen, waana loo marage
Ladnaantuba waxay kuu ahayd, laba dharaaroode
Gob liciifta waa la arki jiray, gunise waa liide
Layaab ma leh hadduu niman waqtigu, yarehe laadaaye.
Inkastoo la jaro geed haddaan, xididka loo siibin
Goortuu biyaha laasimo buu, laamo bixiyaaye,
Lugi faras ma gaadhiyo rakuub, tiirshey luquntiiye
Laacii ka baxa meel fog waa, lagu hayaamaaye,
Haddii aanu kaa lumin caqligu, waad i laab garane.
Awal baan laguug badan ahaa, oo is wada leege,
Haddii anigu aan liito oo, yarehe laadlaado
Meeshan iyo Luuq baa tolkay, ladani yaallaaye.
Liisaanka kaa yimid hadday, laydhu kor u qaaddo
Ay laliso wuxuu gaarayaa, qoon libaaxyo ahe
Mar haddii Suldaankii labaad, soo lallabo weerar
Sidii laxam baruur iyo hilbaha, loo karshaad noqone,
Adaan lumin mar keliya baan sidii, aarka kuu liqiye.
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed