Gabay: Geella ahย 

Geelyohow Qulciyo la isu diid qolalkii xaarnaaye
Kobtii qadowga laga daaqi jirey qoob la dhigi waaye
Qax baan kaaga soo waday dhulkay qadadu kuu tiile

Waakaas qiyaamuhu ka dhacay, qarankii toomoode
Qodqod iyo qallaalkii Kigliyo Quracshil oo doogtey
Qawdhaha Ardaayaale iyo Qalaxkadheeraaday

Qurqurada caleentiyo dharjada qubatayee hawle
Qajigii hareeriga ku yiil qaranradii hawdka
Qulunquulka suubaanka iyo, qaaxawadeheeda

Quraar faraq leh qodaxtoosha iyo, qaalalyada saarka
Intaas oo qashkii hoos ka baxay qariyey baarkaaga
Adigoo qummaati u cunoo qiro ku soo yeeshay

Oo qadi madow wada noqdoo qaarka wada deyshey
Ama qaayo uga soo darmaday qararka hoostooda
Inuu kurusku qaab kuu baxiyo qurux ma weydeene

Eegan Qoraaley waxaa qululka kuu yeelay
Waxaa qaalmahaagiyo rimada qoday baruurtooda
Waxa aarankaagaan qallalay wada qaluuseeyey

Wuxuu qoorqabkaagu cashiyee qooqi kari waayey
Kobtay shilintu qoodayn jirtaa, qiil laguu bidaye
Qarrar iyo dhukaan iyo siday qaaxo kugu raagtey

Waxaa qulufad Anigubase waan kula qabaa qaabka aad tahaye
Anigubase waan kula qabaa qiimahaa tahay’e
Waa waxa jirkaygii qayiray qulubka maata ahe

Markii laylka qaarkiis tagaan qaraw la toosaaye
Sidii ruux qof uu diley dhintoo qaantii lagu yeeshay
Ama loo qisaasanahayoo qool la gelinaayo

Anigoo qarqarayaan arkaa Qoran daraaddaaye
Qoodhuu ka jabay geel ninkii qolo ka xoogtaaye
Hadduu cadow ku qaybsado anoo la iga kaa qaaday

Caanaha qabow iyo haddaan qalaxsigii waayo
Iskeeygab qarracan baan u dhiman qaybna waan gabine
Arlaa iga qoyaan meel leh iyo qolof ma weydeene

Qaxarkaad maraysiyo waxaan qalawga kuu geeyey
Qawlaha ku raadinahayaan kaaga qariyaaye
Qarfadaada meer waa danbuu qiil inoo bixine

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo