Gabaygii:ย Sade
Gabayan waxuu Cabdi galayax marshay mar rag ogaadeen ka laayeen oo gabay uu ka marshay Waxuu yidhi:-
Waxba yuu siyasada gildahan sahid ku ahaan
Samay buu lahaa reer tollkey Sade iyo meshaane
Waligiina sabuubah dagaal waa u sidanaan jiray’e
Soomalidoo idil hadaan sarac u faalleeyo
Sinjigaanu nahay geesinimo waa’u saxiix dhigay’e
Intiisa saban dhoweed baa ugu hora silica maantaaye
Sixir iyo fal baa lagu riday iyo sabab la’mogaa
Saxal hadeeyan qabin gobanimaa lagu sarigtaaye
Saladiinta lag laayay baan sahal la’modeene
Dadse samaan ujifaa magalo saymo dirireed’e
Anubaa sayaxyee rag waa useexasho iyo qooq
Dab la soocday soore iyo lixle iyo saafi ololaay’e
Dhoonbuur naftad iyo saliida lagu sifeynaayo
Seef iyo bilaawe warmiyo saanad iyo toori
Sooyiya habaas caladoo wad sidhaqoobay
Sarwaal gaban baa lagu galaa salal coladeed
Suudka iyo xariirta iyo waxaan sacad gadneyno
Dhalin yarad suqigaa iyo socod maagaleenta
Sariirah la’soo ibsaday iyo silig u dhiidhiibka
Siraad ina adeerta iyo gabdhah lalsiyaxaayo
Sano kale hajogtee markaan nooma suuban’e
Intaanse sabarhindi iyo shaati iyo wadno saytuunka
Amase kabah suunkooda kore saarka marinayno
Sugi maayo senyooy inaan saami ku jaro’e
War sara kaca gunimo maalinbaa lag sardheeyaaye
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed