Gabayga: Ceelgaab

Gabyagaa waxaa tirshay abwaanka Ween ee Cabdi maxamed aw magan Oo kumagac dheer Cabdi Galayax Waxuu Abwanku gabygaan tirshay 1957 waxuu yiri sidaan


Ogaadeen hunguri baa diliyo, haabo meel kora’e
Hindisaha Cismaan qaalli baa, hodey naftoodiiye
Ayagoo xaqay naga hayeen, lagu hitaynaayey
Heshiis iyo walaalinimo waxaa, looga heli waaye

Geelaas Hiraan laga dhacoo, hogorka waaweyn leh
Oo uunka qoladii hoshaba, lagu halaagaayo
Oo uu kor ugu heedaaman yahay , haybkyaga Diini

Hawadooda Eebaa baa ku ridey , hoorka qaysada’e
Goorteey haleelada arkeen, hilada qaadaysa
Haruubgaallada u cule siday ,hoomo leedahaye

Waa niman haddoodii gashoo , hibo ulaabneen’e
Waa niman habar lagu ridoo haatuf baa wadaye
Iyagoo higlaaliyo ka yimi iyo wabiga hoostiisa

Oo hilibka soo qalanahyay halbadii saadka
Oo aytahay himada loo socdaa hadimadaan doonan
Waatay horweynnada galeen, hiirta waabariye

Cidoo huruda waatii lay imi hiilimow baxe’eh
Hanfaraare oo weerarkii, habalba meel aadye
Hantidii qabilkeey dhaciyo hororo malkii,


Hashii joogtey baa laga qabsaday, tan iyo Hawdaye,
Hal saac iyo halsaac bay xeryaha ,Harac ku oodeene
Gabagabada hiisha leh markay , Halab ka reemaysey

Harraadkay qabeen aqalladii lagu halaabeeye
Habkii yiilay iyo oodkacii, hooshka lagu qaadye
Waatii hurdada loola baxay, heeladkaa sare’

Huuriga Ogaadeen ka daran,hugun rasaaseed’e
Hablahay qabteen baa la faray hadallo waaweyne’
Haweenkiyo carruuraha markii , lala hadaaqaaye


Heellada cayaareed ku tume, hoga tuskoodiiye
Dabadeedna Hoobaan ku ride, hilintii dheerayde
Annaguna hulkaan ula galniyo, hogobka Caalweyne

Markuu fuleygu yareheetiyoo, dib u haraayoobey
Habar wacadja waatuu ka yiri, : ” Heybo yaa dhaqaye
Sideen uga harnaa geelyaga, la isku haaraanye

Markaasuu ninkii hagar ku jirey, soo hinbaabacay’e
Ayadoo Hadaafey nirgaha loo hitiqinaayo
Oo uu heeggankii daba socdoo , higil la moodaayo


Horaa lagala soo galay dabkuu dabkii halwgu saarnaay’e
Markeey heeganaga firiyeen harad soo garay’e
Waa niman halaqoo lixlah haawo lasoo dhaho

Habaas nagag shide sandii hoobiska aheed’
Anaguna halilkaan qabnaa loola hoorsaday’e
Hanaadka shiisha yaa tolkeey hab uyaqanaa’

Hareerah kolkii lagaga riday haligaan sidanay’e
Dhalfadii hareriga aheed beey lahunbaleyeen’
Hanqarkii kusoo dhacahayay u hakan wayeene’

Waa tii hirkii lagu eryay iyo harihii kor’e
Watii hulkii lagu ceshaday hogoga dheraa
Waatii hudii Ulasmeed haadka loo waray’e

Waatii hungah baar magoog horini tiiltiil’e
Waataan halyegii dilniyo huriyihii door ah’
Waataan halbowlah kujaray handkii dheraay’e

Waataan harkii tabo galnoo loo habensaday’e
Waataan hanbada raadsaniyo, haadufkii tagaye
Waa tay haftadu laysay, ey wada haftoobeene

Waataan horjoogsi ugu iil , habaqla hoodiiye
Waataan midkoodii la helay, soo hogaansadaye
Waa tii hunuudii la dhigay, heelka loo baari

Waataan haraatiyay ,afkay hirro ku maaleene
Hunufkii ismaan baali , baa hogofsan meeshiiye
Intii kale hufbaa laga dhigoo, hollac la leefsiiye

Waxse maanta hoog lagu jirabay, habar saleebane
Halakoodi ina yuusuf dacar ,heeshidan dhigaye
Hagoogaha xun sow adan dhagax haybi kuma taalo,

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo