Gabaygaan waax tirshay abwaanka ween ee Cabdi Maxamed aw magan.oo kug magac dheer Cabdi galyax waxuu tiriyay gabygaan abwaankuMar uu Khaliif Sh. Maxamud allah u naxristee ee uu gabay soo tirshayGabaygaa oo goodi iyo cabsho iyo guubaabo isugu jiro. Cabdi Galayax Asagoo layaaban ninkaa soo gabyay buu gabaygaan marshay.



Cumar iyo Cusmaan iyo hadudo Ciise Maxamoud,
Ragii curadka Darood ahaa ha iscaburiyeene,
Marexaan siduu calan ka dhacay ha ugu ciil qabo,

Caydii ina Siyaad iyo af xumo codod ha shegeene,
Boqornimadii Cali keynadiid ha ucarodeene,
Cashirkood halyaan inteey cadowga racaane,

Cumaan iyo ha adaan arlad reer Ciraaq dagaye,
Sideey caado qaato u yihiin Carab ha tuugeene,
Ciida iyo dhulkoodii bilaash ha uga carareene,

Calaacalaha ha uhoorsadaan cido shisheeye ah,
Inteey dowladoodii cafisay ha ucariiqsade,
Ama xabashi cudud ha unoqdaan ciidankii tagaye,

Amxaarad cunad ha ukarsho iyo hilibka cayriine,
Intaas oo cilad ah Eebaheey ha ucimaamado,
Maxaa Cali Salebaan ka maqan waan cajabayaaye,

Ninkase gabyga caydaa tirshay oo cadan kasoo dhiibay,
Hadii aan cabiray kaasi waa caale hadlkiise;
Caqli hadii uu leeyahay waxaas kuma cardeene,
Balse hadii malkada Cabudwaaq cagaha miig saaro,

Amse uu cardiiqaha ka dhigo ceelasha aan joogno,
Ama ciidan gaalo iyo arlada cadow kusoo duulo,
Ayagaba Qandalo iyo Calowla ciidu waa gubane,
Cidahoodu mesheey dagaan yaa ka celinaayo?

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo