Gabaygii:Lix iyo Toban Hal
Gabaygani waxuu tirshay Abwaanku , mar dad badan weydiiyeen waxuu gabayga iskaga daayey. markaas buu tirshay gabaygan isagoo xujo uga dhigaya weydiimihii badnaa waxuu Yidhi:-
Awel Maanso waataan gurshoo, gooyey waayadane
In dhawayd ka gaban gaabsadoo, wayga garateene
Anigoo an gabin baan nacee, kama gal gaaleene
Lix iyo toban haloo wada gartaya, wawga gaabsadaye
Gabaygu waa yaraa Muxumedoow, gaafihii hore
Garka iyo sidaydaas nimaan, guudka ka caddaanin
Ama aan shaarubada oo gotay iyo gucumo Aar yeelan
Goloyaasha lama keeni jirin, gaafka loo tago e
Maantana Gurbood iyo gabdhiyo, gaban yaroo wiila
Iyo Oday guxuushaaya yaa, guusha loo simaye
Gef inay amuurtaasi tahay wawga gaabsadaye
Guubaabo iyo gooddi iyo, gabay ma daayeene
Haddii aan garwaaqsaday intaan gu iyo Waa Joogay
Nin gaboobay oo oday noqdiyo, guudcaddaan ahaye
Gefkii iga dhacaa maanta waa, geeri oo kale e
Inuu godob islaameed I bado, wawga gaabsadaye
Cibaadada ninkii gaar ka mara , guul darraa heliye
Gabbal dhiciyo waagii baryiyo, goor iyo ayaanba
Marna kama gidaadeen fahmada, guulle ii qoraye
Gabayada haddaan shubi lahaa, amase geeraarka
Wuxuu iga galaafanahayaa, garasho diineede
Gelin dhexe habaynkii wardibaan, guriyaa Laylkiiye
Nin ilaah u go ay baan ahoo wa uga gaabsadaye
Geddaan anigu soo maray haddaan, gun uga sheekeeyo
Inkastoo barkood go ay naflaha, geeri bow imane
Raggii Geedka ila joogi jiray, gabalki baa noole
Galkaa Bari Garoowiyo Nugaal, Garacad meesheeda
Gooddiga Hargaysa intii, Guban ka hoosaysa
Gar loo gubay Galbeed iyo Jig-Jiga, Goobba dhinaceeda
Garbahaaraleey iyo dhulkaa, Gedo ka baalleeya
Intaasoon guriyo meelo iyo, gobollo soo sheegay
Anigaa geyiga eebbahay, gabay u teednaaye
Maantana rag badan baw gurmaday, gooha maansada e
Inay wiilal wada guuxayaan, wawga gaabsadaye
Nin gurbooda lama qayrsan karo, guun haddaad tahaye
Midaan hooyadii gurininoo, guriga meeraaya
Aan weli gosheediyo ka bixin, gurada Awrkooda
Hadduu goob walbaba taagan yahay, gabayna tookhaayo
Kolna inaanan garab joogsan karin, wawga gaabsadaye
Gabay Hawle iyo Raage iyo, Gooni baa lumaye
Cali iyo Gahayr iyo Qamaan, geeri baw timide
Ismaaciilna mawd baa genbiyay, waana tuu go
Afcad wuxuu Gallayr yeyn ogaa, geesigii dhimaye
Galaaskayga nimankii ahaa, gululi weeyaane
Anna goor dhow baan filahayaa, goof la ii qodo
Inay guurtidii eber yihiin, wawga gaabsadaye
Markaanse gaban ahaa iyo haddoon, gooman oday yeeshay
Intii aniga geed iyo shir iyo, garan gar lay keenay
Amaan meelo lagu guulay iyo, gogol ka sheekeeyey
Haddii anan gabaro weyn ku helin, guuyo iyo xoolo
Inaan faa’ido laga gaara hayn, wawga gaabsadaye
Haddii anan gobaadoo dhashiyo, geri ku taabaynin
Ama anan gamaankii fardaha gorey ka fuulaynin
Ama anan garaaddiyo billado garabka saaraynin
Waxba gooddiggiisiyo ma rabo, gole kasheeggiise
Inaan galala diisu i anfacayn wawga gaabsadaye
Aduunyaduba gaasiran ninkii gaan ahaan jiraye
Ninkaan gacanta lala laaci jirin waa gabanayaaye
Hayeeshee gadaal niman dhashiyo gaafiyaa kacaye
Amba rag baa gabay igu qabsaday iina goodiyaye
In aduunku gaafaysi yahay wowga gaabsadaye
Nin ragihi wuxuu galay amuu, gudeyba loo diidye
Haddaad geesi tahay meel walbaba, cadawga guulaaya
Giiryaalihii kula dhashaa gaalo, kaa necebe
Inaan xaasid gacal kuu ahayn, wawga gaabsadaye
Shir la gooday waayeel gabraday, talo la goyn waayey
Guddi ururtay niman gaan ahoo, gararka feeraaya
Xaajada guyaal iyo guyaal gees, u dhici wayday
Garaad iyo wax loo sooci jiray, guud-caddow odaye
Haddana geedka wiilkii yar baa, gic isa soosiine
Haddaanse guushey kani, waa adduun gees u foorare
Inba aakhir sabankii la galay, wawga gaabsadaye
Gooraan Fardood iyo Darmaan, Galow ka dheeraysa
Sayid maxamed geel iyo lo iyo, godol wuxuu haystay
Arlaa’iga wuxuu daar gin gimay, gulufna heenseeyey
Gubnigii Daraawiish wuxuu, gaasas bixinaayey
Gumaysiga wuxuu laayay oo, Gaal la diriraayay
Gebo-gebo intuu dhigay wuxuu, libin ku geeraaray
Waxuu naago goba guursadoo, aqallo gawriirshay
Intaasoo gallada oo ilaah, ugu gar gaaraayay
Gegi buu ka taaganaa cid la ah, maalintuu go aye
Nimanakii godka u qoday ma cunin, gudurki duugeede
Gadaal xumida dunidaan arkoo, wawga gaabsadaye
Gabdhaheenna waxaa loo yiqiin, haybad gooniyahe
Goshay xiran jireen maryaha loo garraarsado e
Gobna waxay ahaayeen intay, guudka dabayeene
Gayaankooda lama laacdamayn goor iyo ayaane
Maantana gad baa lagu arkiyo, guul darriyo ceebe
Adigoo gidaar uga horyimid, kaama gudayaane
Garoob waalan iyo waxaa ka haray, goroyo food dheere
Hiddiihiina waa garab mareen, gaar ahaan jiraye
Timihiina gedef bay ka dhigeen madax ganbuur weyne
Iyagoon ninama guursan bay, wada ganbaysteene
Haweenkeenna dhaqankii geddiyay, wawga gabsadaye
Garaad nimaan lahayn baan ogayn gaadistii Malage
Gugaan manta joogiyo hadaan gadaha faalleeyo
Gantaalaha wadkii haystay iyo gamaska mawdkayga
Markuu ruuxa iga goyn lahaa waala soo galaye
Inay taasna igu guullan tahay wawga gaabsadaye
Inkastoon gu yaal badan cimriga, gelimo sii joogo
Maraan go aba Mawdkii rabbaa,yaa ii gadaal imane
Godna waa i sugayaa qabuur, guda ciriiryoone
Gabnahaa agoontoobi iyo, gaaryahaan qabo e
Intaanan ciidda hoosteeda galin, wawga gaabsadaye
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed