Gabaygii:Daandaansi&Mowd

Nin ,Reer Cali geri ahaa, ayaa dhoobigii geeliisa raaci jiray oo reer ahaan ka so jeeday habar-jeclo ayuu burco ugu tagay meel aan sidaa uga fogayn deedna ku yidhi war geeliiwaa dhallee usoo caano doono, Dhoobigii baa ugu jawaabay gaalada Ingiriiska bana u shaqeeyaa oo geel danbe raaci maayo, markaas baa Tooray uu watay  iska soo gooyey oo ninkii halkii ku dilay oo iskaga dhaqaaqay. maalmo ka dib ayaa Cali Dhuux burco safar ku yimid deedna nin la odhan jiray Cilmi Dalamiye oo Turjubaan Ingiriiska u ahaa oo Habar Yonis. Musa care ahaa ayaa ku dacweeyey Gaaladii Gumasyataha Ingiriiska una sheegay bibka wax dilay iyoCali Dhuux inay isku beel yihiin dilkii Dhoobiga habar jeclana loo qabto Cali Dhuux  maadaama  inaadeerkii Dilka gaystay, markaas baa Cali Dhuux gabaygan tirshay Waxuu yidhi:-

Waa diin ladahay Dalamiyow ima duqaysayne
Dadka Igama maagteen u siman Dir iyo Daaroode
Duunyadayda lama raadiyeen dayn anoon qabine
Dusha igama saarteen Midgaan dilay Abaankiiye

Dhir dalaysan diib iyo cilaan daahiriyo wayso
Hablaha oo dariirad iyo cadar dam isku soo siiyey
Ayuu darmo kula jiifsadaa labana duugtaaye
Duhurkuu dhamaa caanogeel duqusna way yaale

Duub weyn intuu soo xidhoo dahab cas qaataaye
Deeqdaa ILLAAH siiyey iyo dunida jeexeeda
—— ugu duulee yahay inuu dayso laga waaye
Dabro weerar dooyo rogaal dil iyo laystaanyo

Weyskaga diyaar reerkayaga dirir colaadeede
Aniguna sidii dooxataan dibada meeraaye
Dirkaan ahay darbadihii nin ogi ima duurxulo’e

Waa daandaansi iyo mowd waxuu i dalbanayaaye
Digniin miyuusan qabin aadka hore doqonsanaa ruuxu!!

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo