Gabaygii:Β Ninkii caashaq wado

Cali dhuux Aadan ayaa wiil uu adeer u ahaa gabadh jeclaaday Calina kuma raacsanayn go’aankiisa wuxuuna u tiriyey gabaygan si uu uga fiirsado do arrintaas wuxuuna abwaanku yiri.
Β 

Cawlkuba markuu cawsha kudu way u cibaroone,
Cisaydi markay heli caadaday ku uuraysane,
Cururada iyo lawyada intuu ku cuskadoo saaro,
Cosob iyo ciriid cunuga beertiisa
Carshiguu wara uga eegaya ceerigaa sare,

Calaamooyin loo nuuriyuu ku cilmi qaataaye,
Cabdiyow ninkii caashaq wado, looma caal helo
Dad ninkii ka caawa-caawiyuu, kala colloobaaye
Inaad culustahaan moodayee, kuma canaanteene
Carrabkayga kuma daaliyeen, cod aadan yeelayne


Anigoo cadaaduu i yahay maxadu cawlkaase,
Cishriin ninkii jiray ma yara cad iyo dheeraade,
Haddaan talada caad lagaga rogin, caaqil waa yahaye
Cinda-llaahi baan kuula talin caadil oo kale,
Bal citibi cabaar gibina baa la cilmi qaateeye,

Ceesh lagu ilawsiinayo iyo calaal la boodayey,
Inta aad caafimaad wali qabto  aan caamil lagu siinin,
Cududaha intaadan ka jabin ciidan waa iyage,
Ciyaar faarax bay uga tageen caynab iyo dayre,
Cararka iyo diidaduna waa cudur u sii dheere,

Curudaale aan godob lahayn caato iyo haayir,
Abiidkii cad reer kooshin waa naga cantuugaaye,
Maantana dar bay ugu culeen looma ciirsade,
Cawado Ilaahay u dhacay calamadii Nuure,
Waxaan cudhay waxaan celinayiyo waxaan cashuuraayey,

Caruurba wakaa u riday cadaw horwaynkiiye,
Adna haatan cudurkii na galay kugu cusboonaaye,
Waxaan kaa calool fiiriyaa caynkii reer gorade,
Raga kale calaalbuuba helay calafi sooreede,
Anigaa cusuyb doonadii laygu cuud tiraye,

Waa calaal xaro-daan sidii caado buuxsadeye,
kama ciganin geel maalintaan caydhshey dabadeede,
waa taan casaan kiisa jaray carab sideediiye,
Culimada sadcaalkiyo wadaad caalim may haybshaaye,

Imikaan cashiiriyo tolkay wada caroshaaye,
kuwii aniga ila cayn ahaa waxay caweeyaanba,
Goortuu Cishaagigu galay culus u yeedhaane,
Hadhuub culun marqaha caawin bay uga cadeeyeene,

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo