Guudka Kuu Marin Xinaha

Gabaygan Cali Dhuux Waxuu marshay isagoo jooga Magaalada Burco oo wada Jooga warsame Aw Adan oo Ahaa Reer Caligeri Ayaa iyagoo hadh qoodaalka guriga fadhiya oo xine doonaya in uu gadhka marsado ayaa waxaa u yimid Niman seediyadiis ah oo habar-Yonis ah deedna Warsame Aw adan bay ku xille fureen inay iyagu gadhka xinaha u mariyaan, Cali Dhuuxna meesha buu fadhiyaa oo Qolyahan Habar-Yonis garanmaayan Cali Dhuux. markii gadhka ay Warsame Aw Adan xinaha u amarsheen  baa cali Dhuux mudo dabadeed Hawd ku noqday Halkaas buu gabaygan ka soo mariyey isagoo warsame Aw Adan la hadlaya Waxuu Yidhi Cali Dhuux:-

Warsamoow haddaad guurti tahay oo wax garanayso
Gaar fooq leh kuma aad seexateen gobabka dhaadheer eh
Geyi aan xigaalkaa fadhiyin kuma go’doonteen eh

Nimanka aad garbaha haysato ee gacanta saarayso
Ee guudka kuu marin xinnaha baa ku gowriciye,

Adigoo ginaga raadcayn ayaa meel laguu galiye,
Gaadh baa lagaa qaban sidii goraygii dheeraaye,
Goombiyad af-leh iyo toorrey baa lagugu googooyn eh,

Hadad moodi gaaladu inay gacalow kuu heelin,
Garoomada kuwii lagu tolay iyo giibba duudsiye,
Maadigay garnayl kuula dhici gooshka habar yoonis,

God abeeso lama jiifsadoo haqalu guurayne,
Gucumaalo aar loogama gabado geedan celinaye,
Gabraar kaa hungyadaan arkee gura alaabtaada,
ka googooso geeri ha ku sugin guriga Iidoore

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo