Gabayga: Geela noo celiya
Gabaygan oo runtii ku habboonaa in aynu gelinno qaybta hanjabaada iyo wax istuska, haddana innaga oo ujeeddada gabayga tixgelinayna waxaynu raacinaynaa maansooyinka geela. Taas oo ah Cali Aadan oo loo yaqaan Cali Dhuux baa beeshii iyo degaankii uu ka tirsanaa geel nin la dhuuntey Cali seedigii ahaa oo Habaryonis Reer Sugule ahaa waxaadna ka garan in ana Geelan la dhicin ee goor barqaha lala dhuuntey Dhoobi geela raacayey labadan Tuduc ee Cali Dhuux marshay Goblami waaya ee ma aydun dhicin sidigtii good-wiileTuug soo gabraaranahayaa kuula soo geliye markaasuu inta ergo kaxaystay geelii ka daba tegey.
Markii uu gaadhay beeshii geela ninku ula galay ee xaday wuxuu kala kulmay diidmo iyo is-af-garanwaa in muddo ah qaatay. Markaasuu gabaygan oo hanjabaad ah tiriyey, waxaana la wariyey in gabaygaa markii la maqlay sidii uu yidhi la yeelay oo geelii loo celiyey qabiiladii lahayd.
Waxaynu mar kale halkaa ka arkaynaa qiimaha gabyaagu ku leeyahay bulshada dhexdeeda.
Afar iyo toban hal oo wada gunno ah geela noogu cesha
Meesha iyo gobaysane aniga oo gaban ah oo wiil ah
Labadeenna gobol ma ay dhex-gelin xaajo godobeede
Idinkaana geerideeda uun dhaxliye geela noo celiya.
Gacal iyo xigaal baynu nahay godob la’aaneede
Guryaha iyo fagaarahaa intaa gogolshu noo taalle
Gambo jeex gatiga eebo iyo gudurna waa qaane
Bal car guula oo guula oo gudimo noo sheegta
Haddii kale xaq lama gawdhiyee geela noo celiya.
Garaad-laawihii Maxammed Cali xidhey gambool weyne
Afar inan gumeed buu wataa oo gelbinayaaye
Guryeheenna uun buu rabaa in uu gumeeyaaye
Iyadana ha garan-waayina eh geela noo celiya.
Goblami waaya ee ma aydun dhicin sidigtii good-wiile, tuug soo gabraaranahayaa kuula soo geliye
Ogaadeenna kuu-la-ma gudbani gaal tagfiilaha’e
Gaashaan Wal-waali nama qabtee geela noo celiya.
Halihii gollaha mudhuxsanaa ee gendigu laastay
Ragbaan guunyo kale lagu ogeyn gaajona u qabey eh
Iyadana ha garan waayina eh geela noo celiya.
Galoofta iyo gadaalkii dhalka iyo goriska laameeyey
Geeliina rimay ee guubiska iyo goolku daba joogo
Sidii garow hadhuudh bay u guran guuto caydh ahiye
Gocashadiisa lama deyn karo’e geela noo celiya.
Gammuunnaale nabaddaan uga imid iyo godankii siixawle
Alla hoy ha gees marina ee waa mid guda weyne
Iyadana ha garan waayina eh geela noo celiya.
Garaad Faarax baan uga dhashay iyo gaanka Habar-waaye
Godobtayda lama haysan karo maalin gelinkeede
Giiryaaleyaal ma ay dhiqine geela noo celiya.
Haddii aan guba oo kale marsho oo dunida gaadhsiiyo
Nin ay guulshu raacdoba walloo laysu gelayaaye
Iyadana ha garan-waayina eh ee geela noo celiya.
Nin gu’yari garaadkii ba’yoow waa gefaa hadal eh
Waayeel tashiga loo guraa waa gorgoriyaaye
Guxushaagu wuxuu soo baxshaa tii garaaddo ahe
Hal gabbaday nin uun baa gartee geela noo celiya.
Gar lay naqo guddoon la iigu shiro gabadin lay jeexo
Gabadha kama malaasnaan u fili geel la ii naqo eh
Intaad galabta meel joogsataan gorodda noo dhiiba
Haddii kalese waan gudahayaaye godobtu yeelkeeda
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed