Gabaygii: Gar
Gabaygan waxuu tiriyey Cali dhuux markii Maxamed cumar dage, ka gabyey Dilkii Xaaji Cumar ayaa Cali dhuux dareemay in aan lays mutuxin mar kasta ee la garaabo haddii laga garjoogo kolkaas ayuu tixdan gaaban ee qiraalka ah tiriyey, Inkastoo Dilkii Xaaji cumar loo aaray rag badan loo laayey. waxaana gabay ka tiriyey Samatar Baxnaan aan ka soo qaadano Dhawr tuduc uu tiriyey Samatar baxnaan
Anna waxaan la xoodnaa shalay, iga xayuubsheene
Hadba waxaan la xarakaadayaa, waa xogtaan helaye
Waakaa jirkaygii xugnaa, soo xankaakubaye
Xoonkii shinnida doonayaye, xoonbax oranaayey
Aan xabagbarshiyo awlallada, cidi la xaalaynnin,
Xawliga durduradaan ka biqi, xeeb inaan tagoโe
Xaaladdooda niman baa qarshoo, xani ka raacdaaye,
Xuurkiyo waraabaha miyaa, xalay ducaynaayay!
Gabaygii Gar naqsiga ahaana waa kan iyo Qiraalka ee cali dhuux mariyey
Gun baan ahay gambo cad baan xidhnahay, iyo gadh naagoode
Gashaantida sideedoo kalaan, guur u sugayaaye,
Anigiyo hablaha loo galmoon, waa gudboonnahaye,
Jeeraan gamboolka iska rogo, guudka iga saaran,
Ogaadeenka noo soo gabyow, waa gar xaajaduye
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed