Gabaygii: Nin hamraday
Cali dhuux ayaa haddana ku noqday gabaygii oo maanso gaaban kaga soo qayb galay Cali dhuux oo halkiisii hore ka miisaya guubaabintii iyo dagaal gelinta mar uuna raba gabaygiisu inuu ku duxi doono, gabaygana waa meesha uu salaan carabey ka soo galay gubba markuu cali ku sheegay habarjeclada “Haween” waxuu yidhi Cali: yidhi:
Ogaadeen hadhuudhkiyo sidii, hilibka loo boobye
Inkastuu hundaha iyo u dego, webiga hoostiisa
Geeluu habeenka u lahaa, looga hadhiwaaye.
Nin hamraday haldoorkiisu waa, lagu hamoodaaye
Hilqadliyo iyaba waa sitaan, halawle Maadhiine,
Hadday kaga haq siiyaan rasaas, lagama haageene.
Nimankaan haraadkiyo aqoon, Hawdka mariddiisa
Kolay Habar Jecliyo Ciise tahay, waw handanayaane
Nin waliba haruub buu toshiyo, haamo gooniya’e,
Haweenkuna hadday doonayaan, inay hidiidaane.
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed