Gabayga, Allahu Akbar.

Cali Dhuux Aadan oo ahaa nin gabyaa caan ah, jihaadkii iyo halgankii gobonimo doonka ahaa ee Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdille Xasan Hogaaminayey, kagana soo horjeeday Ingiriiska, Cali dhuux iyo sayidka colaad weynbaa u dhaxaysay, waxaa jirta in sayidku fariin usoo diray cali Dhuux oo ay ahayd sidatan

Rabboo ku ceynshiyo anoo ku cafaya mooyaane
Wallee caafimaad uma fadhidid Caliyow buhoodle

Calina waxuu aad isku dayey in Daraawiishtu
kala tagto gabaygan hoos ku qoranba waad ka garankartaa wuxuuna yiri:


Allaahu akbar eedaanku waa kaa afkiyo beene
Ashahaaday gaalkubase waa ehelu naarkiiye
Ubbo weyso waan kugu arkaa agab salaadeede
Asaxaabihii olol ku dhace wow abtiriyaaye
Hadduu uurka kaa jiro werdigu kaama orodneene
Abtiyaalladaa iyo ku nece ururtii Reer Khayre
Arboow Jaamac iyo Aadan iyo Oogle kaa tage e
Waxaan uubateeyaba tolkey oodda soo jebiye
Axmaqyahow kuwaad ku amranayd idinka ma ahayne
Waa uur gaslow Aadan-dhagax odayadaadiiye
Abtirsiinadaa waxay gashaa eyda Reer Xamare
Arxan nimaan u gelihaynin oo ina Ogaadeena
Aaboowda uun bay hayaan kii arsaa’ilaye


Dhammaad.

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo