Gabayga, Daacad

Sida ragga taariikhda u leh, warkoodana lagu kalsoon yahay laga wariyey, Cali Aadan oo loo yaqaan (Cali Dhuux)wuxuu ka mid ahaa raggii Daraawiishta dagaal kala soo horjeestay,colaad weynna u qaaday.Dagaalladiisana waxaa ugu weynaa gabay uu Sayid maxamed iyo Daraawiish u mariyey isagoo kala kaxaynaya ayuu gabaygan tiriyey si ay ukala yaacaan. Inkastoo gabayada Calidhuux mariyey badnaayeen, aan ka soo qaadno gabaygii ugu darnaa isagoo Sayid maxamed ka xumaan sheegaya,Daraawiishna ku gubaabinaya inay xarunta iskaga tagaan kuna faanaya meesha uu tegey, wuxuuna yiri:

Ninkii weligii diinta banaan,daacad ugu sheega,
Dariiqii rasuulkii ninkii,diirka uga qaada,
Daw kulama soo baxo cilmiyee,waa la diriraaye,

Doofaarraduu wadan jiruu,dila yiraahdaaye
Iyaguna markaasey ku didi,diidi mahayaane,
Bal in meesha lagu doorsan yahay, waxu daliilkiiya,

Duqaydii badnayd ee ku lumay,duudsi iyo jeedal,
Dammanaanshahaa reer tolkay,loogu daw galaye
Sidii bay u daba roorayaan,daallinkii rogaye,

Doox iyo hadday nala deggan,degelka Buuhoodle,
Waxaan lagu durudrin Eebbahay,uma darraadeene
Sidii dumar dagaal iyo afxumo,uma dul qaataane,

Diyaar uma hadlaan wiilashii,dawladda ahaaye.
Hadday deris wadaagaan nin kale, dacal ma waayeene
Alla may iskaga soo durkaan,deris ma laayeene,

Daaroodka ay wada dhasheen,diriyo haabkiisa,
Daymadii Ilaah maxamed-dage,nooga derejeeye,
Kuwa weli ku dabandeebayaan,duxi ka raacayne,
U digay oo u digay oo duulka waa, loo dan leeyahay,
Haddaan anigu daar dheer ka koray,oo daf idhi saaxil
Iyaba doortee daayeer gar cuna,kii dulleyn jiraye,
Dabada hayska raacshee,bal maan deysto hadalkayga,

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo