Cali-Dhuux v Sayid Mohamed
Col Daraawiish ah oo Caamir Shiikh Cabdille ka madax ahaa iyo dad kale oo Daraawiish xiriir lala lahaa ayaa ku duulay degmo daraawiish ka fakatay oo Hawd-Galbeed deggan, geel bayna ka dhaceen. Hase ahaatee ciidan ka xoog badan baa helay geeliina ka dhacsaday, iyagiina wax la dilay iyo wax la baqa eryey ka dhigay, waxaana lagu dagaallamay Ballidhiig: Magacaasina maalintaas buu baxay. Cali-dhuux oo ka mid ahaa degmada lagu soo duulay ayaa gabay faan ah mariyey, meelna ka taabtay Sayid Mohamed, wuxuuna yiri:
Shuunkii Hartoo wada fadhiya shaaxin golaheeda,
Oo Xamar shakaalka ugu jiro shullayarow Maydal,
Oo shamaca maadhiinka yari lag iyo shii gaaro,
Oo uu shirkooduna dhan yahay shaybe iyo wiilba,
Shaqfadlay Bah Geri waa wixii sheemo weeraraye,
Cayuun shacabka wiilkii lahaa shaah ka karinaayo,
Waayeelna xeeb uga shir tegey male Shirshooruuye,
Isagaan shaarublow Reer Isaaq shucub aan reebeene,
Shamal ay tuntaan iyo haween shuqulkii mooyaane,
Sharba idin ma daareen haddaad shalay na dhaaftaane,
Daraan idin shiddeeyeenba waa naga shisheeyeene,
Sheekadayda waad haysataan aniyo shaywaale,
Shanlahaad wadaadka u sideen shagax ma siiseene.
Dabadeed, Sayid Mohamed oo Cali-Dhuux horayba colaadi uga dhaxaysey, markii gabaygga loo mariyey wuxuu kaga afnaqay gabaygaan gaaban:
Wiilyahow shareecadu ninkay shuuftay baad tahaye,
Shiqiyahow waxaa lagugu nacay sheeka xumadiiye,
Shaqfad li’idu waa waxaad u tirishuun saraan ahaye,
Adaan shaato kaa foofahayn sharaf ma laacdeene,
Iiddoorka kaa sheexayana uma sharaaddeene,
Soomaali waa midaan shidiyo midaan shiddeeyaaye,
Adiguna Shirshooraad u tahay shirada maantaaye,
Shiil baan wadnaha kuugu ridi shuuqda weligeede,
Inaan sheemo weerarana waa shuqul falaadkay e,
Inkastoo shareer lagu wadiyo shucubadii Hawdka,
Shaanshaanka buuraha haddii sheedda laga saaro,
Shifa ma laha geelaan nin lihi ila shaqaynayne,
Maxaa haatan laga sheelayaa saaddambaan shabine.
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed