Gabaygii: Kala maqan
Aw khaliif Kibirhaye wuxuu ahaa nin wadaad ah uu nolashiisu miyiga ku xidhan tahay. Wuxuu guursaday gabadh Maka la odhan jirey oo iyadu dhanka reer magaalnimada isaga uga dhoweyd. Murankoodii baa batay, maalin walÂbana kolkii garnaqooda loo soo fariisto waxay dooddeeda ku koobtaa, «Wadaadku murriyad iyo dhar quruxoon iima gadin». iyo waxyaalo la mid ah Ismaaciil arrintii haddii uu u fiirsaday ayay la noqotay, mar ay ahaataba, in Aw Khaliif iyo Maka ay kala xiriir furan doonaan mar hadday iyana doonayso murriyado iyo dahab, isna uusan hayn. Gabay ayuu markaas ku yidhi:-
Kala maqan ratiga muuda iyo mooggan rarataaye
Kala maqan maloog iyo nimaan dabo mulluugnayne
Kala maqan midiidin iyo soor reer u miyayaaye
Kala maqan Midgaan iyo nimaan madax u tuuÂrayne
Kala maqan maseellida xun iyo macangag khooÂfaaye
Kala maqan masuug iyo xigaal soo martiyayaaye
Marka horese labo ruux hadday maanka ka heÂshiiso
Marmaroorka dhexe waa waxaan meesha soo geline
Kala maqan Makiyo Aw Khaliif malena beeÂnowye
Murtiyosuugaan
Qalinkii. Mr: Cumar Ismaaciil Digeed