Gabaygii:Todobaan bax´naaninayaa

Tixdan wuxuu gabyaagu mariyey mar uu intii muddo ah jirranaa oo ay duumohaysey Kolkuu yarehe soo roonaaday ayuu – mindhaa – afadiisii Dhiimo ka gartay inay isdamacsiinayso. Wuxuu yidhi:

Naagyahay, ma toobsado haween taag ninkii gabaye
Tinkaygiyo markaygaad ka garan taws inaan qabo e
Tif ma siiso gaawaha hashii cudur taftaafaaye

Isma tuunsho orod neef haddaan tahartu noo­layne
Ma tis Qaado oofaha ninkii toobin kaga yaale
Talo xumada laqankii yiqiin guga tabaalowye

Tabtii buuri kaad ugu dawakhi toolin kuma yaale
Turaalse kaama sugayo oo waxaad taban sed­kaakiiye
Xalaytuu istuxumbaaray oo tiil yar baw hadhaye

Toddobaan baxnaaninahayaa ee taa iskaga seexo
Tafriidna haygu ridin naagi waa taan aqoon jiraye.

Murtiyosuugaan

Qalinkii. Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo