Gabaygii:Β Shillinkii Xinduugan

Meel Xinduugan la yiraahdo oo haatan ceel laga cabbo ah Gaalkacyana raacsan oo geelal loogu sheegay ayay soo beegsadeen. Degmooyinkii halkaas degganaa kolkii ay ka war heleen inay Daraawiishi dhulka ku jirto ayay geelashii qaxiyeen hase ahaatee adhyowgii bay ka tageen. Colkii markii uu yimid meelihii geela loogu sheegay oo tuludna ka waayeen ayay niyad jabeen. Waxay la kulmeen adhyowgii oo tuban oo qaxid loo diyaarinaayo, markaas bay ciil daraaddiis, kame tegine horta marsadeen !.Gaajadii haysey ayaa ka fuqday kolkii ay qalqasheen wanankii shilista ahaa oo ay haddana caanihii adhiga caloosha ka buuxsadeen.

Ismaaciil isagu ma niyad jabin, geel la’aantana kama xumaan mar haduu adhi helay! Gabay ayuu arrimahaas oo idil ka mariyey oo ahaa:


Shillinkii Xinduugan haddaan shalay jahaad geeyey
Shigta weerar guutadu hadday sheed walba u qaadday
Shaaruflaha Majeerteen hadday shidatay reerkiisa

Haddaan shaaca waaberi u raray shubitinkii ceelka
Shamsadoo nin jooggiyo haddii loo shinshimay awrka
Arlada gaadaanka shaabbaha shaamareer dhigaye

Gebagebada shiilka ah hadday garo ka shawlaysay
Shan-fac-alhu-gub gaalada haddaan sheemo kaga teednay
Shuqulkii mindiilaha haddii shaarrufluhu yaabay

Horweya lagama soo shubo gunaan shucub ka foofeyne
Anoo shiiday baan helay wankii shirixa weynaaye
Shiiliinka ii keen Ilaah waw shukriyayaaye

Nin shahiida baa loo ogaa inuu shaf goostaaye
Nimcadaan shareecada ku helay yaan ka shaabacaye
Shaashlayda ii sudha ratiga shaambin dabadeede!

Murtiyosuugaan

Qalinkii. Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo