Gabaygii:Allahayow walaalaannu nahay
Maxamad Ciise Faarax oo «Darwiish – daqarre» lagu naanaysi jirey Ismaaciil baa abti u ahaa, wuxuuna ahaa nin reer magaal ah oo odayga u roonaa, hadba kolkii uu sodcaalo ama wax u farsado.
lsmaaciil oo reerkiisii jooga ayaa beri dambe loogu ~ warramay inuu Maxamad magaalada Burco ku xanuunsanayo oo furuq ku dhacay. Warkaasi aad buu gabayaaga u saameeyey. Galab galbaha ka mid ah oo isla ayaantaa ayuu arkay baabuur Burco u ambabaxsan. Markaas u gabaygan mariyey
Baabuurka tegayow haddii tacab laga buuxsho
Ninkii too muraad u leh haddii lagugu sii taaro
Wiil tabtaada laasimay hadduu tumanka kaa fuulo
Tartarraa’iyo feedhaha hadii teneg lagaa saaro
Tawil gaabsha miihide haddii lagu tamuunsiiyo
Tuujaha’ haddii lagugu dhego talel hinjiinkiiye
Oo toogo qumiyow sidii wadhaf laguu tuuro
Tafeennada’ adoo boodh ku leh iyo taabsinnada shaagga
Waxaad hilinka taahdaba haddii suuqa lagu taago
Tumbul baa idiin iman markaad tigirka aastaane
Ninkii Maxamed tawllane arkow tebi farrintayda
Haddaan tol iyo xidid leeyahay tebiya dhawdayda,
lntaas markuu yidhi ayuu raaciyey tuducyadaan tiiÂraanyadu ka muuqato ee ku tusinaya sida weyn ee uu inanka u jeclaa. bal tartiib u akhri oo isku day inaad si wanaagsan u garato xanuunka hoose ee gabayaaga haya ee uu la tiicayo. Wuxuu yidhi:-
Weylaalistii xalay ma ledin wahan daraaddiise
Warka Maxamed laga keenay bay wereftey’ laabÂtiiye
Waxba iima tarin caanihii Waariskii dhalaye
Allahayow, walaalaannu nahay wiilka hooyadiye
Allahayow wadnaha hayga qaban waaxid baa tahaye
Allahayow waddada hayga gudhin way irmaan tahave
Allahayow waraaq baas dhambaal wada ha ii keenin
Mar kale oo uu Ismaaciil Rabbi ka baryaayey inaan geerida Maxamed dhaqso loogu soo sheegin ayuu tixdan kala hallowdayna mariyey. Wuxuu inanka ku maseeyey wadnihiisa, indhihiisa, beerkiisa, lugihiisa iyo xubin kasta oo oogadiisa ka mid ah, noloshiisana lagama maarmaan u ah. Intaas oo idil marka uu isdaba dhigaayo wuxuu ina tusaalaynayaa oo qudha halka sare ee uu inanku ka joogo iyo waxtarka uu ku qabo. Wuxuu yidhi:-
Allahayow ma-hurahayga beer Maxamed weyaane
Allahayow manjaha laga socdiyo madaxa weeÂyaane
Allahayow wadnaha miririgliyo midigta weeÂyaane
Allahayow miskaha laga kiciyo waa malluuxÂyada e
Allahayow lafaha mayraq iyo waa mergiga dheeÂre !
Gabaygu sidaas ayuu u socdaa, xubin walba oo jidhkiisa ka mid ahna wuu ku sheegay, ha yeeshee, shantaas tuduc ahayni nagama soo gaadhin. Maxamed Ciise ayaamo ka dibba wuu doorsaday, dadkuna waxay taas u saariyaan ducooyinkii badnaa ee Ismaaciil oo Ilaah sa-mada ka aqbalay.
Murtiyosuugaan
Qalinkii. Mr: Cumar Ismaaciil Digeed