Gabaygii: Maxaad ula hableysaan
Dagaalkii jidbaale markuu dhacay 1904 ee Daraawiishtii Sayid Maxamed xidhiidhkii u gooyeen, ka dib markii rag door ah oo kun nin gaarayey ay jahaadkaas uga qudh baxeen. Reer Hagar waxay ahaayeen Falaago Ingiriis iyo Daraawiishba ka qayliyeen, dhib badana u gaystey labada qolaba waxna uga naafeeyey qolyahaas ayey la degeen.
Ismaaciil isagoo Caligeriga ku guubaabinaya inay Xarunta soo beegsadaan isla markaasna xusuusinaya nimanka ayla degeen aanada iyo godobta ay ka qabaan ayuu tixdan Mariyey.
Caligerigu hawdkuu fadhiyey haawey beledkiiye
Maxaa Hiiradow’ kuugu dhaqan hadhaca BuuÂhoodle?!
Idinka iyo reer Hagar Maxaa heel isugu keenay
Heellada markay tuman maxaa ula hableysaan dheh ?
Nimank’ii raggiinnii hantiyey ee hanadyadii laayey
Haawey nimankii ka dhigay hodan qabiilkiinna
Sidii niman halaag qabin rnaxaa ula hoyaaddaan dheh ?
Mar kale wuxuu isla arrintaas lafteedii ka yidhi :
Nimanyahow awaar gabay beryaha ooduhuu rogaye
Xalaan alaladoo kacay saqdii umal daraaddiise
Aan asteeyo caawana halkaan alifka qaadsiiyey
Aqbal xaajadi weydaa waa aamus taladeede
Jinni wuxuu addoonsaday ma jiro nimaan ku eedaaye
Kuwii aabbayaashiin dilee idin agoomeeyey
Ee naagihiinni igdhaad uun ka baridaane.
labada gabayba sida muuqata way kala dhimman yihiin, hase ahaatee waxay labaduba inoo sheegayaan hab ka mid hababkii ay Daraawiishi dadka ka taga ku soo xero gelin jirtey.
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed