Gabaygii:Hashii gabay

Sayid Maxamed ayaa amar cad ku baxshey in lsmaaciil geelii la helaba hasha gabayga laga siiyo. Maalintii dambe ,ayaa col baxay. Waxaa ammaanduule u ahaa Darwiishkii la odhan Jirey Abshir Dhoorre Xasan’ oo ragga dagaallama iyo qusuusida labada ka ka mid ahaa. Geel baa la helay, colkana lsmaaciil baa ku jirey. Abshir Hashii gabay ee Sayidku uxukumay Ismaaciil waa u diiday. Waa markaas marka uu tixdan mariyey taas oo uu kaga cabanayo xeerkii la yiqiin oo abshir jebiyey oo uu haddana ku sheegayo qaar ka mid ah sibabaha uu hashaas ku mutaystay. Wuxuu yidhi:

Cadka goonji nimankii i baray yaanan soo go­canne
Garwaaqsiga Ammaan’ yaan ilmadu gaaddada i qoyne
Cimrigiin ma gaabtee hashii gabay ha lay siiyo

Daraawiishta goommani hadday guriga soo gaadho
Galaxeeda caanood hadduu gaadhi kari waayo
Galowgaan u taabanahayaa gu’ iyo jiilaale

Cimrigiin ma gaabtee hashii gabay ha lay siiyo.
Dabatadaba’ wow gabawartaan Garawadeenniiye’
Gawaamahaba waa kaga tagtaan dhogor-gardhaaleeye

Cimrigii ma gaabtee hashii gabay ha lay siiyo !
Guurraha habeenkaan sidii galow i yeeraaye
Galiilyadana waa kaga ba’shaa sida gal roobaade
Cimrigiin ma gaabtee hashii gabay ha lay siiyo !

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo