Gabaygii:Aduun qani ahaa waa
Had iyo goor haddaynu muslin nahay waxaynu qabÂnaa fikrad ah inay aakhiro tahay halka ugu habboon ee ay lama-huraan tahay inaynu u shaqaysanno. Adduunku, waa iyada la yiraahdo, waa meel laga guuri doono oo aan loo baahnayn in laysku. sii dhejiyo ama lagu dabo lumo. Ismaaciil Mire, in kastoo uu dagaalyahan ahaa, haddana dadkii yiqiinnay waxay ku tilmaameen nin cibaadaysta oo mar walba Ilaah iyo aakhiro maskaxda ku haya, taasna haddi maansooyinkiisa laga dhex goobo waxaa laga helayaa gabayo door ah oo uu ka mariyey.
Gacantiisa tusbax lagama waayi jirin, madaxiisana aan geeridiisii waxaa ku duubnayd cimaamaddii Daraawiisheed ee uu Sayid Maxamed u xidhay, astaanta diineedna ahayd.
Gabaygan soo socda wuxuu u mariyey Xaaji Maxamed Cawl oo uu ka beryaayey inuu Quraanka u dhigo, ka dib kolkuu soo arkay wixii adduun macaan iyo kharaar lahaa sidii ay isaga lahayd. Waxaa muuqata inuu kolkaas goostay inuu wax kaloo dhan faraha ka qaado oo uu si qumman Ilaah ugu go’o. Arrimahaas oo idil ayuu tixdan ku sheegay. Wuxuu yidhi :
Qubad rooba dooxooyin qoyey qararka oo laacay
Qabiilooyin madal yeeshay oo qudhaca gaashaystey
Qalbigaa jeclaystaye adduun qani ahaan waaye !
Qumman gabadha qool iyo xariir qam isku soo siisay
Oo qoyska gool loo dhigiyo Qadow’ karuurkeeda
Oo xeedhyo kibir loo qafiley qolalka loo tiirshey
Ay qalanjo’ kugu meerayso oy qiro adeegeyso
Oo gaac ka soo karahayoo qurux alluu dhiibay
Qalbigaa jeclaystaye adduun qani ahaan waaye !
Qadhle awra qoor karinle iyo korommo’ qaad weyn leh
Qollatiinka geel’ iyo lo’ iyo qalab camuuddaasa
Iyo ciirta qabaweyn habladu qun ugu xiirayso
Qalbigaa jeclaystaye adduun qani ahaan waaye !
Qabaal dariba qaarwaax cusbo leh soo buuxshey
Qaxwe shaah leh malab qooshan iyo qalad la geedeeyey
Qalbigaa jeclaystaye aduun qani ahaan waaye !
Ina Qooqan lyo Looshane iyo Qaabil iyo Tuure
Iyo Qadow Caleemeed beryaan col ugu qoodnaaye
Oo aan qalqaalaha jahaad Qalas u saarraaye
Wax dhaaxaan cidlada qaayiboo qoor ugaadhsadaye
Wax dhaaxaan intaan qoon makalay qaar ku ‘ baashadaye
Wax badan baa qusuusi u ahaa qayro dirireede
Oo ay qaati iga joogsadeen qoonka gaaladuye
Wax dhaaxaan dembaab lama qirtee qayrna daalibaye
Qudha laguma waaroo nin nool qaamud baa heliye e
Qarfo waxaan wareegaba gadhkii qaynaxuu dhigaye
Waxse adduun qatalayaa ninkaan qawlka diin barane
Quraanka ii dhig aan macallinow qaalin kuu xidho’e
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed