Gabaygii: Dux ha yeelan waligaa
Waataynu horay u niri Ismaaciil waxuu ahaa nin gabaygiisu dhow yahay oo wax yari ka gabaysiin karaan taas macnaheedu ma aha inaan gabaygiisu qoddo dheer lahayn waxsuu yahay nin wax kasta oo dadku yaraysto isagu murti ballaadhan ka abuuri kara oo macne weyn u yeeli kara Ragii hore ee gabyi ogaa waa ku yaraayeenkuwa xoolaha gabayga ugu dhuunta oo marka ay rabaan arin ku soo dhacday daaha oo qaadaan neef geela ama adhi doodda u jeediya. Ismaaciil dhankaas hana qaad buu ka yahay, wuxuu u gabyey sidaannu soo aragnay hashiishii «Markab», waxaannu haddana arki doonna isagoo u gabyaaya wan, mar kale isagoo orgi u gabyaya, isagoo Guuguule u gabyaya kolkaannu gabayiidisii u soo dhacno. kuwii ugu dambeeyey.
Xilligu waxuu ahaa xili kulul oo diraac xun dhulka saabatay,tuugadiina badatay. Intii wankii eegay ayuu ku yidhi “Ina Deylo-gorodow, inaad sidaas u ciyaasha kuuma. Markaas buu gabyey,isagoo waqtigaa la joogey tilmaamaya. waxuu Yidhi:-
Ina Deyla – gorodow haddaad dooni inaad naaxdo
War baaa kuu daliilinahayaa haatan kaa dedane
Dad iyo duunyo waa aakhir seben lays dillaacÂsadaye
Dul balladhan lubo awlal uu deexday dhinacooda
Deddeb buuran inaad yeelataa waa hal kuu darane
Duglahaaba kuu dhaama bari inaad dadduucdaaye
Ragga delebka jeexday ee timaha deebta marinaaya
Waa wada dufule tuuga oo dubay baraarkiiye
Durrirmaha agtoodaba ha marin yay ku daakhiline
Dumarkana badh baa xada ilmaha soo dabayshade
Dar kaloo haweenihi wixii dagan ma daayaane
Cilmi -Daallin iyo Jaamac oo sebenku daadduunshey
Hadday kugu dareemaan baruur ma adan daaqdeen ?
Dux ha yeelan waligaa haddaad war iga doonayso
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed