Gabaygii: Barakaale Eebbow

1924 Ka dib markii uu Ismaaciil mire Daraawiish ka soo galay ayaa Dhulbahante Nugaal isugu soo guuray.Iyadoo halkaas la yaal baa Suldaan Cali Keenadiid oo Hobyo u talin jirey sadex col ku soo bixiyey caro Dhulbahante. Colkii hore waxay qaadeen Geel Irmaan ah oo uu lahaa nin oday oo la odhan jiray Bare Bullaale. kii labaad iyo sadexaadna waxay qaadeen geelal kale oo faro badan

Maalintii danbe iyadoo reerihii la dhacay shirsan yihiin,Ismaaciilna la fadhiyo ayaa nin Biixi Qaley la odhan jiray ku yidhi Ismaaciil Mirow berigii Daraawiish jirtey waxaad tirin jirtey gabayo guubaabo ah oo wax laysaga reebee maxaa eegga kugu dhacay oo aad la aamusan tahay.

Ismaaciil kolkaas ayuu gabaygan guubaabada ah tiriyey,Isagoo reer walba gaar ahaantiisa u canaananaya. Darwiishku waxuu Yidhi :-


Bojin maayo gabay Biixiyow beegga haatana’e
Nin ka baadey baan ahay tolkiis booldhannimadiiye
Ba’naantii Shirshooraha waxaa beenshay cararkiiye
Eeggana baqdhoos bayga galay barashadiisiiye


Badalliga raggii wada noqdee baarka kala jeexday
Boqol baa ka raray geedihii baxaye dayreede
Barkad uguma bogin geeddiguu baydadka ahaaye
Barre markii la dhacay yuu ratiga buur u looshadaye


Berberuu u jeedaa inuu biic ka jiririyaaye
Alley Bahararsame looma filin baabka ay tahay’e
Bur ma tuurin nimankaan lahaa beel ha shiriyeene
Bugtii horeba waatay qaxeen boqorradiisiiye


Biyo nin iska saydhaa ma jiro bari Nugaaleede
Bar baa caydha reer Jaamacii biligu saaraaye
Baylihiye geelii markuu beleley keybkiiye
Biyihii Ugaadhyahan ma tegin boobtankii shalaye


Bile iyo Cabdaan iman markii buugga loo diraye
Hadba baal la jarey reer Tolkood waana bixiyeene
Bustahay hullaabteen kuwaan bidayey duullaane
Axmed Garaad isbahardaadiskii biid ku tari waaye

Bilaash looma dhiqin geelan uu biran majeerteene
Burge miidhan buu dhalay raggii beeray waa hore’e
Goortey belaayadu dhacdeey badhaq nuglaadeene
Marna haddeeyan biid igu tarayn baaho iyo eebe


Bicdadooda lama joogi karo duulkan bayrta lehe
Beled inaan u haajirana wey badownimo e
Barakaale Eebbow xaggaa iga bedbaadeyso!

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo