Gabaygii: Hasha oloshey

Geela iyo dadka leh ee Soomaalida ahi weligood ku dhaqan jireen xornimo aan xad lahayn. Cid xukumi jirtey jirin . Nin waliba kadinkiisa geela ah isaga ayaa boqor u ahaa ka hor intaan Gaaladii Cadowga Ingiriisku dhulka soo gelin, Ingiriiska ayaa waxuu soo rogay XARAASH la yidhaahdo oo maalinba qolo geeleeda in col askar ah la geliyo dabadeedna mareegaha loo furo

Ismaaciil markaas buuba geeliiba nacay, intii uu haysteyna Dhiimo Cawad ayuu yarad uga bixiyey.Wuxuu goostay inuu lo’ iyo Adhi tabcado oo uu geelaba ka shiddo baxo mar haddii uusan isagu u talinayne,goortii la rabo lagala wareegi karo!


Ayaantii danbe ayuu, socdaal ah wuxuu u yimid nin la yidhaahdo Diiriye Xiirey.Intii ay iswaraysanayeen ayuu Diiriye Halo irmaan oo dul daaqaya intuu hadhuubgaal ka soo buuxiyey ku yidhi Adeer Caanaha Dhan aad sii socotide. Caanaha geela ma dhamo ayuu yidhi, Adeer maxaa caanaha Geela kuu diiday? Halkaas buu gabaygan soo socda ka mariyey isagoo ku Yidhi Diiriyow Geel faa’iido ma leh haduu Gaal Iska Xaraashayo ee Diiriyow hadhuubka iga qaad ninkii geel dhaqayaa ha dhamee Dawsiishku waxuu yidhi:-


Hasha oloshey jeel iyo haraad yaan miduun helaye
Ama harag maqaar baa hor yaal hibasho waa dooge
Ama haaddo waxay sheegaysaa huudaan la ageyne
Ama hadowyo laga qaaday bay u hinganaysaaye


Wax la haaba hiinijiyo ninkii hoos-u tuur qaba e
Hinaasaha i galay reer tolkay hadiba maayaane
Dabaggaal hidiiriyo arbaa haar ku laacdamaye
Hargaamooyinkii buu ku lumay hagafse qooq moodye


Rag ninkii xarrago hawkiyaba hoos nin baw rida’e
Hawraartu waw jirtaa hadalku reer Gaale
Hoog lama qarsado waana taa Heetis loo faqaye
Hawadiisa dhigay geel markii loo habsadey Cayne


Horweyn moodhar Hawd iyo Nugaal dabo higgoonaayo
Oo hadal ku siman fookha wiil ka hindisoonaaya
Hantidiisa iyo waa bilaash hibo nin moodaaye!
Caligeri hawdkaa degaa haw haloosiyo’e


Madheedh hayla hadowgey jeclayd Halow ha daajeene
Hareeraha intay kaga tubaan ha ugu heeseene
Intay habi la’aan ugu tabcaan ha u hayeen awre
Hanqarkii hoglaha Doox ka da’ay ha u hilaadsheene


Nirgo hootanuug hawga dhigo hodan sidiisiiye
Habryoonis sidii ay yihiin ha u haleesheene
Hablo dhalada say wax u hayaan ha u hawoodeen
Haasaawaha haysaga rideen harada Ciideede


Hawraarsan mooyee haddii muran hagaafeeyey
Qabiilkii hundo ahaa haduu hiil isgelin waayey
Habeen-ka-hadhka haanka qotoma halab karuurkeeda
Intaan haaligguu ridahayuu igu habboonaaye


Dirirteeda anigaan holayn ka hargo waa ceebe
Heensaha intaan daba sidee Horor ku qaadaayey
Aan kii hayaba dhaafin jirey kama harraadnayne

Hadduun baan hawaarsadey sidii habaryartay Dhoole
Wiilyahow Hadhuubka iga qaad yaan huqduu dhimane!

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo