Gabaygii: Hadii geed la jaro
duulaan ay qaadeen oo ay Haweysan,socod mooyaane.Dhibaatooyin badan ayaa la soo gudboonaadey:daal gaajoon iyo dandarro guud. Waxay socdaa iyo socdaanba ayaantii dambe ayaa Nuur Ciise nin la yidhaa ku yidhi “Ismaaciil,waxba weynaga la’e bal gabay oo geel inoo dhaawo. Markaas buu u leexday xagga hasha gabayga oo-mindhaa uu ka baqay inaan la siin haddii geel la taabo waxuu yidhi:-
Nuurow gujaad igu disheen goor iyo alleyle
Garna maaha maansada inaan idin ka gaaxshaaye
Miyaa laga guddoonsadey cadkaa ii go’aan jiraye
Waxaa lagu yidhi << Hashii gabayga waad leedahaye gabay noo mari>> kolkaas ayuu mariyey gabaygan soo socda oo aan is leeyahay waxuu ka mid yahay gabayadiisa kuwa ugu qiimaha badan.
Wardheer kolkiis ay sii maraayeen ayaa ammaanduule laga dhigay. Waxay hadh iyo habeenba socdaan wax geela oo naf leh ayay arki waayeen markaas buu gabaygan barayada ILAAH ah mariyey Wuxuu Yidhi:-
Hadii geed la jaro waa fufaa guun hadduu yahaye
Gurma go’an gobkii laga dhigaa waa gadaal bixiye
Geydhuhu wuxuu lulan markuu gugu ku hooraaye
Wuxuu geelu ololaa hadduu gabanta waayaaye
Faras wuxuu u goohaa markuu gole xumasytaaye
Waxa Weerku raadka u guraa goosan baad heliye
Wax shabeelku garo leexsadaa ay hadduu galo e
Wiyil giririfleeyaa mar buu geedka jebiyaaye
Golli waxay baraarka u gaddaa gaajo dilankeede
Geenyada ka soo lulay halkii gacal la’aaneede
Guntima shirshooraha ka hadhay yaan u soo galaye
Aan gooraamo caawaan tolkay gaas la soo wacaye
Gahaydhkii Wardheer iyo hashii gudurka loo quutay
Jibaaxeeda geeddiga hashaan Gila ka soo raacay
Hashaan guricaskeedii tirshaye gama’ la ii diiday
Ganuunkeeda xoorka leh hashay gocotay laabtayda
Hashaan uurka uga soo gingimay tobanka geedqaaqle
Gob caddaysa iyo dheen hashaan guranayee xaabay
Wax kastaba aan gooyee hashaan labada gaws daashey
Gaadiidka xoogga leh hashuu garabku naafoobey
Gurgurshaaga awrkaa hashii galowda loo taabtay
Gorradhigaha haamaha hashaan garangarshee xooray
Raggii wada gamuurraa hashuu golongolee dhuubtay
Hashii kabaha gaarkooda sare dhagaxu googooyey
Guntigeeda maradii hashuu igu garooroobey
Guuriyo baqoolaba hashuu galowgu eedaamay
Saalada gabowgaa hashaan gelin dhow moodaayey
Gorofkeedu marayeey! hashii laga gabbaarayey
Galbeed iyo hashii loola kacay Aarti guudkeeda
Gurigii Amxaarada hashii garagashee dhaaftay
Faalkii Gallay iyo hashuu male ka gaafnaaday
Iyadoo daruuraha gabdhamay Bila ku soo guurtay
Garaadaysannoo layska daa gef iyo faankiiye
Inay taladu kugu goonni tahay garey kas-gaagkiiye
Guuloo Allow waa fogaa Gurigii Caymeede
Oo kama geyoon karo colkuye gacanta noo buuxi
Idinkuna hal-geeraarshihii golaha soo jooga
Oo wacadka qaar lama gogtee gacali ii siiya
Murtiysuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed