Nin La odhan jirey Maxamed faarax . laguna naanayso <<Jaawali>>Ismaaciil Mirena Ilmaadeer ahayeen ayaa beri damcay inuu u safro oo Burco geeyo Xool iyo badeeco kale, kuna soo badasho lacag iyo qalab magaalo Ismaaciil oo isagu ahaa reer miyi aan car isku rogin ayaa <<Jaawali>> u yeedhay si uu socdaalka uga baajiyo, Gabaygu ha la maro ama kas ha u yeelo ee waxuu maagay Salaan carabey oo gabya ahaa

<<Hadii safar magaalo iyo ganacsi khayr leeyahay Salaan baan Caato iyo Weyd la dalanbaabiyeen>> ayuu Ismaaciil gabayga ku soo gabagabeeyey . Waxuu Yidhi


Magaalada raggow kacahayow kol ila soo joogso
Kallahaad haddaad damacsan tahay Maxamedow kalay
Kalmaddeyda lama quudhsadee maqal kalaamkayga
Kaddib iyo in been lagu hadlaa waa karaahiyo e

Kaftan looma yidhi xaajadii kaamil loo yahaye
Waa kararrah hadalkii xunoo lagu kireystaaye
Kuwa miyiga keenada geshaye dabo kushlaynaaya
Oo rubiga ay kalawsadeen kiishadda u qaatay

Kulayl kagama hadhin ceebna waa kay u go’ayaane
Karuurka iyo caanaha dhanoo deyso kabashkaaga
Korjadahana aqalkaaga dhigo koran ma doonaane
Haduu kabare khayr leeyihiyo kadab la soo iibsho

Ama lagu kashbacayoo qaxwuhu badhida keenaayo
Ama soor aad keligaa cuntaa kamanka buureyso
Kaadsada Salaan baan futadu kaxankaxawdeene

Murtiyosuugaan

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo