Sheekooyinka wadaniga ee ah lama-dhaafaanka ah.waxaa rag daraawiish iweriyeen in Sayid Maxamed ciidan uu Ismaaciil Hogaaminayoku yidhi in aysan degmada ku leexleexan si aysan uga baaqan hawsha loo santay goor galab ah ayey degmooyinkii ku soo beegmeen dabadeedna Daraawiishtii baa mudo yar caruurtoodii iyo dumarkoodana kula soo balamaan loo sheegay, muddadii oon aan dhamaan ayey faradaha fuuleen. Ismaaciil mire oo maalintaas 7 bilood ka maqnaa afadiisa Faaduma
tegiddaas haatana oo hadana degdega ah aad bay uga xumaatay, waxayna jeclayd in uu maalmo la sii joogo Gabyaagu dad kale ka garasho dheer , kolkii uu astaamahaas oo dhan gaaridisii ka dareemay ayuu isagoo kadallooba gabaygan caanka noqday ku Yidhi :-
Faadumoy falaadkaygaan fiiro kaa bariye
In faseexad loo wada hadlay gobi ku faydaaye
Fahmadaba adaan qaadan baad feedho hadashaaye
Fillan naag taqaan waa ibleys furuq-alluu-keenye
Fidmadeeda xaajada adaa faraya shaallaaye
Ferenjaan ilaalinayaa foos ka soo baxaye
Feddadaan wareegaa sidii farow ugaadheede
Ma furfuro habeenkii guntiga foore soo dhacaye
Fakayoonka iyo gaadhka badan feeyigaan bidaye
Xeedhyahan fandhaalaysan iyo Faarac labankeeda
Fujaamadan la soo sidiyo Foonka malabaysan
Fartaydaa anaan saarin baan fuuli Looshane’ e
Inaan adiga kaa fiigayaad igu filaysaaye
Furuq igu dilaa naag kalaan faraha saaraaye
Ha Furfurin dermada layga waa inaan fadhiistaaye
Foolkii Astaadkaan ku helay faydo iyo Khayre
Faataxo markuu ii maraan farax dhaqaaqaaye
Ma fakhriyo Shareecada ninkii faraqa haystaaye
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed