Dhalinyaro sodomeeyo ah oo Daraawiish ah ayaa duullaan aan loo fasixin ugu baxay degmooyin Burco agaheeda degganaa oo Ingiriiska meel kala soo jeeday Miirana u ahaa. Bancawl meesha la yidhaa oo Beer u dhow ayey ka soo qaadeen geel 400 ah
dabadeedna waxay keeneen Orgiya oo ay Daraawiishi daar ku lahayd Waxaa la isku raacay in geela aan dhalinyarada la siin maadaama ay iska baxeen naftoodana halis gesheen oo laga dhigo <xoolo daareed>
Ismaaciil Mire oo ka mid ahaa ciidankii ay nimankaasi ka tageen aad buu maqnaanshahooda uga murugooday isagoo ka cabsi qabey inay <<Gaalo>> hesho
oo ay dib dambe u soo noqon waayaan. Markaas buu tixdaan rabbi-bariga ah goor Caweysin ah mariyey in teysan Dhalinyaradii Orgiya ku soo noqon waxuu yidhi :-
Nin welwelhayaad Maxamedow weedh u dirataane
Waayadotan maansaduna waa iga wayiignayde
Waddigii habeenlkii ma ledo welef sidiisiiye
Jahaadkii waddada dheer maraan weli u jeedaaye
Wejigoodu gubeygii haddii weerar lagu baaro
Weyraxa la soo tubo hadday weydo Ololeyso
Waysaaqa dirireed haddii sumucu wiifleeyo
Waaxidow Allahayow adaa lagu wakiishaaye
Eebboow walaalahay quwee wahantay laabtiiye
Warsame iyo Xuseen iyo saciid walaftankii Yuusuf
Wabarkii Obsiiyiyo Cashuur warammadii Ciise
Wanaagii Hurruuse iyo Dhaal wereftankii Xaashi
Caliyaan u waalanahayaan weheshigoodiiye
Waxtarkii Ducaaliyo Hayaan waanadii Maxamed
Iyo weyraxii Nuur warsame wadanihii Aadan
Iyo wiilashaan garanhayiyo wadar dhammaantoodba
Wadnahay qadhqadhi jeerahoy wada yimaadaane !
Eebboow waxyeellana ka dhawr hana iswaasiinuun
Waxba ima taraan caanahaan wabaxsanaayaaye
Dhallintii aan soo waaban jirin waw welwelayaaye
War bishaaro Eebbow ka keen waaga barigiisa!
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed