Gabay:Ciil kaama baxo

Gabaygan Darwiish Ismaaciil mire u tirshay wiil wiilashiisa ka mid ahaa oo meeshii laga rabay xaga reerka ka soo bixi wayey markuu guursaday,reerkii iyo xoolahii dayacay isagoo markaa ka hadlaya nolosha miyiga iyo waxyaalo badan oo kale waxuu yidhi

Barbaar waxaad ahaataba mar baad beyddan kulantaane
Dhashu waa bishaare haddaad eebbahey barido
Oo uu boqolle wiil kuu dhashood beerka kaga rayso
Waxaad biilka siisaba hadduu turuqyo buuraaado
Bogga laga wereenyow hadduu bili haween yeesho
Hadduu baaqdo goortii uu kaco boohin kugu reebye
Buuryaqabka inaad dayrisaad kaga boqsootaye
Baddu hadday ayaan kaa liqdana kaama ba’o ciilku

Gabar bilicle oo baaxad weyn beri haddaad maagto
Billad iyo xariir iyo haddii boqor kaa laadlaado
Bidhaankaaga oo idil haddaad biicsasho u dhiibto
Aqal buur go’eed le’ef hadday beejimo u raacdo
Oo buuni kuu meheriyood barato xaalkeeda
Bawdad I ka haaddadu hadday baal kaa noqoto
Aad waliba baanbaaniso oo biidna garan weydo
Inaad naago kale baabsataad kaga bogsootaaye
Budda nadday gasho oy urtana kaama ba’o ciilku

Baramboori qaalina haddii baarqab lagu qooqsho
Markey buun baxday goojisaa waana loo bogiye
Saddex iyo haddii toban bilood gaajo lagu raaco
Biyaha guga hadday awr dhashoo biligluhuu goyso
Oo gabankii kugu soo baxsado waa bukaan sida e
Barooddada inaad raratid baad kaga bogsootaye
Haddaad buulka xaaska u dhigtana kaama ba’o ciil

Haddii aad bariidlow wan weyn neef ka barisiiso
Boorka iyo siigada haddaad burush ku duugduugto
Oo uu barwaaqada cunoo baaxo nadalkiisa
Bawhaarka magaaleed golaha badiba loo joogo
Hadduu bederka kugu gaabiyoo kugu baryuureedo
Inaad boqonta dhiidhiibisaad kaga bogsootaaye
Haddaad bahalka geed ugu xidhiaan kama ba’o ciilku

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo