Gabay:Dani igama hayso

Dagaalkii aduunkee labadaa,1945- markii dhacay buu ka hadlayaa iyo dhi btii soo gadhey dad iyo duunyaba.
“Dani igama hayso” Ismaciil Mire waxuu yidhi:-

Digta dhici dayuuradaha lali diifaddiyo qiiqa
Dildillaanka dalambabigiyo dunida ciiraysa
Dukaamada af xiran uumiyaha kala dabayl raacay
Minaawaarradu wada degiyo meyka dibadeystey

Isku duulka duunyada la dhacay dala’a meeraaya
Dani igama heysoo oo Darwiish daacadaan ahaye
Cuquubooyin baa dirirayee la isma daareene
Waatii qaraamiga derderan dumarki raaceene

Waatii gabdhihii door ahaa dabo ormeeyeene
Waatii la daradooriyee damacba beelene
Waatay Baashiikii danqaday diiqa geliyeene
Bashku waxuu dalleysanayee daanka dhiganaayey

Dembaa uga siyaadiyo inay derejo waayaane
Dulligiyo laaluush cunkii dabajin weyn reebye
Dab hadduu ku soo karay wixii laysku dawdabaye
Qaxwihii la ii diirin jirey daayey hadalkiise

Caanaha daruur baan intaan dhamo dawoobaaye
Mana doono soor kale haddaan doobi xaabsado e
Daayimow adaan kuu xamdiyey way dan qumisaaye

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo