Gabay: Gacal

Ingiriiska iyo Miirada la socotey baa Col weyn ku kicisay Caligeri. Geel badan laga qaaday markaas baa Nin reer hagar ah oo La odhan jirey Gaani Cali Ducaale oo mar hore reer caligeri geel ka dheceen xabadna uga dhufteen gacan ayaa markuu maqlay in !” caligeri ingiriis geel ka dhacay,ayuu gabay digasho ah mariyeyoo yidhi

Cabdiyow colkii wuxuu ku dhacay Caliyo haaruune
Isagoo cammiran baan ku furay cidhifka Laasoode
Ka cillaalay nimankuu kufrigu ciiraduu qabaye
Caska waaga maantuu gubnigu calan wallaynaayey
Uu labo cigaal doonayiyo cuurka bah Ugaadha
Waataan dadkii kale ku curay cago madowdiiye
Ceeg iyo iyaba Buulalley nama caqiibeyne
Ciriddii la dhigay Aabbahay Cali ma moogeyne
Haddii labada qolo ciilqab iyo caydh la hoganayso
Iyagaa carruurtoodu guran midhaha ciideede
Allaylehe cirna ha soo dumee Caligeraan dooray!
markaas baa ismaaciil mire gabay tiriyey uu kula hadlayey Gaani cali ducaale.Ismaaciil mire waxuu yidhi:-

Anagu gaaniyow gacalka dhacan waaka gubanaaye
Gankaa naga xanuunsada waxii gaadha reer hagare’e
Gadhka iyo wadnaha buu nagaga yaal gabida Daaroode’e.
Uma gabayno maantuu islaan gaalku weeraro’e

Adigana ninkii geed mudaa waa gu’ kuu da’aye
Galowkiciye maantuu lafaha ina garaacaayey
Gulgulaha hinjiinka ah markuu kaga gig siinaayey

Gabla yey lahaayeen markuu inagu guubaabshay
Gamaasayrankeedii markuu gooni cararaayey.
Ee maraga goobtii ka dhacay gerab ekaanaayey

Galamada iyo eeriga markii lagu gujeenaayey
Ee goodirkii dhalay ilmada gabax ka siinaayey
Ma geyo ee hilbowluhu markuu gacan togleynaayey

Ee lagu gadaanaa marbaan go’ ilahaa ciile
Ninse god dheer walaalkiis u qoday gelina mooyaane .
Warsow adiga kugu soo gotaa gamas colaadeedku

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo