Gabaygii:
Gabaygan wuxuu abwaanku u tiriyey wiil uu dhalay oo cali la odhan jiray.Ismaaciil wuxuu doonayey inuu wiilkiisa u carbiyo nolosha oo ku bogaadiyo inuu shaqaysto.Wiilkiina waa yeelay taladii aabihi,waana shaqo tagay waxuu yidhi ismaaciil:
Caliyow xasuus kugu dullee,walad xumaadaaye
Wax badan baan xagaagii wan weyn, xawda kuu jaraye
Wax badan baan sidkaha kuu xayiray,xaas walwaallada e
Xiniinyoolihii kula sinnaa,waa ka xoogsadaye
xadka qabada niman baa guboo,soo xantoobsadaye
Niman baa xeryaha deerka dhiga,xanankii toomoode
Liiraha rag baa xamar u tegay,oo u xeeb maraye
Niman baa dayuurado ku xidhan,xiima samadaase
Niman baa xijiga iibsadiyo,xabag dhunkaaleede,
Niman baa xaraabada gala oo xoolo saanyada e
Hablaha xuurul caynta rag baa xeel ku guursada e
Niman baa xafaarka u guntaday, oo xabaal qoda e
Soddon gu’ baan ku xasaamiyey iyo weliba xaalxaale
Haddaan xiiqay sidaan kuu lahaa,xaaxiyohow toose
Xaawaley kolay tahay dad waa xagafsanaayaaye
Xag uun labada daarood ku daran,hays xakabin meele
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed