Gabaygan waxaa tiriyey Ismaaciil Mire, xilligii laga guulaystey ciidanka daraawiishta, wuxuuna la hadalayaa hal uu lahaa oo la oran jirey Markab. Ismaaciil Mire isaga oo ku halqabsanaya hashaas ayuu tilmaamayaa dhibta haysata Soomaali.

Maansadii:

Markabey dalkii waxa banaan inaadan dooneyne
Dugsi-kululo Doombiraley iyo degalkii Reer-weyne
Darroorrimada laantii lahayd layku dacareeye
Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye!

Docmiyo Toomihii duri ahaa lagu dugaagowye
doox iyo xirweynaba kufraa degay mareerkiiye
Daaro iyo banglo miiran bay inagu deyreene
Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye!

Markaan diriri jirey waadigii damal ka weynaaye
Daliigahanna kurus baa ahaa duudkan feensamaye
Dararna waan lahayd aad murkaha daafta marisaaye
Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye!

Dulla-carcaraaf waxaan kuugu furay dan iyo caalwaaye
Markabey dalkii waxa banaan inaadan dooneyne
Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye!

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo