Ingiriis dalkiisii mudhxay oo, cunay magoolkiisa
Isagoo masaafira haddaan, subax ka miidaanshey
Oo lagu mintiday waw dhamayn, minawarkaan fuullay

Maskab kama dhaxline wiilal baa, helay macaankiiye
Kun nin baa martabadii u hadhay, ama muluugtiiye
Inta kale mus ood laga rogtey, meerayaan dibade

Sidii baan Marqaafa u sitaa, ama Mareykaane
Sidii baan mankaar lagu gubtay, iyo milic u joogaaye
Sidii baan maqaar ugu gam’aa, meel la ii dhigaye

Sidii baan madaal dheri karshiyo, rodol u miistaaye
Sidii baan macaash ugu gataa, harag miciinkiise
Sidii baan midhaha uga gurtaa, madaxa toomoode

Sidii baan u macaluushanahay, oo mud dhuubanahay
Sidii baan minjaha ugu socdaa, moodhar liidiiye
Sidii baan mawaashiga hayaan, ugu maqiiqaaye

Sidii baan martida caana qudha, ugu macsuumaaye
Sidii baan tacliin uga madhnahay, machadkii diimeede
Sidii baan macruufka u sugaa, macallinkiisiiye

Sidii baan madow ugu jiraa, maato iyo ruuxe
Sidii baan xafiis meel fog ii jira, ugu muctaadaaye
Haddii laba nin oo wada Muslima, madaxda loo geeyo

Sidii baa guddiga loo maraa, wax u masaynayne
Sidii baa miskiin tulu leh, looga marayaaye
Kuwo midabka Soomaali uun, lagu malaynaayo

Sidii buu kiniin uga mutaa, maralka jiifaaye
Sidii buu Rumaan ugu mudhxaa, kii maxbuus ahiye
Sidii buu dalkii naga maqnaa, muran u joogaaye

Marsadii jabuutaanba weli, soo mihiib kicine
Sidii baa sharcigu mayd uu yahay, marwa lahayne
Haddii dumar maxaajabad ahaa, milicsi loo diido

Iminkey dharkoodoo mil mila, suuqa marayaane
Miidaanka noogama baqaan, mana mastuurtaane
Muqdishaba horteed waa dhaqneyn, marag Illaahaaye

Isagaa maqsuuda ee wax kale, looma maamuline
Bal muxuu micneeyoo na taray, ministarkaan doortay?
Af uun malaba shicibkii haddii, lagu mashaysiiyey

Oo aan muraadba u qumayn, mooye say noqone
Waa nala madaarshaynayaa, tan iyo maantiiye
Mahdigii naloo sheegay iyo, malihi beenowye

Manqaa lagu sabaa had iyo jeer, muugga dhalanteede
Hadba waxaan maqallaa boqol malyuun, waa macaawina’e
Maalkii arladaa loo qabtiyo, meeday lacagtiina?

Mooskada ragga u duulayaa, maylka tirinaaya
Goormay waxay muujiyeen, lagu manaafici?
Ma mardaadi baa socodka aan, miiqna loo qabaneyn?

Sow riigna noogama mudaan, madasha Buuhoodle
Bal intee muddaa oo sugnaa, maaxda imanaysa?
Bal maxaase hay muuqatee, marada loo qaatey?

Mukhlis iyo haddaan lagu shaqeyn orod maleegnaana
Ma xiniin yahay moodayaan muunad nala saaray
Ma naftiina maara u qabtaa nimanka loo miiray

Maasha iyo haddii aan miilka saro malow miyey fuuli
Ma mucaarid baan ahay hadaan xaqa ka maansooday
Bal muxuu micneeyoo na taray ministarkaan doortay

Murtiyosuugaan

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo