Gabaygii: Wacdi
β Allaa weyn Rabbi baa waaxidaad wada taqaaniine
β Isagaa waduud ah aan tashiga la la wadaagayne
β Isagaa wuxuu doonaya ba cidi la waastayne
β Wax ba kama qarsoonoo qalbigu wahan hadduu yeesho
β Wixii wali ba waa u waadaxiyo waasac maalin ahe
β Alwakiilu magaciisu waa warithaan dhimane.
β Ogaada oo Wat-tiin iyo Sul-sulilat weedha hadalkiisa.
β Wal-casriyo wal-layl iyo Ancaam ama Was-saafaat ba
β Washβshamsi iyo Duxaa iyo Kuwwirat Waylu iyo Xaaqa
β Inta wowga laga qaaday iyo wadartu waa dhaare
β Wallihii Ilaahiyo runtii baan waatan lee nahaye
β Wacdigii iyo tafsiirkaa sidii waabarka u qorane.
β Naf wali ba wakhti bay lee dihiyo war iyo taariikhe
β Waayaha adduunku na qalbiga waa walhinayaaye
β Wadne la ma huraan buu noqdiyo waxaan ku seegayne
β Warankii Israaβiil intaanu waajibkii gudanin
β Ama uu waddada soo hayaan wiishku nagu yeedhin
β Waysada ha dayni na tan waa layska wadayaaye.
β Walad gabana waayeel cimriya waalid lagu faano
β Madaxweyne iyo heer wasiir ama wakiil dawlo
β Wadaad shiikha wayd caato badan wabar ka xoogaystey
β Wali iyo rasuul iyo haddaan waxar la reebaynin
β Allaa waaxid mooyiyee haddii aan cidi ba waaraynin
β Ku welwela wardiga aakhriraa layska wacayaaye.
β Inay dunidu wiig iyo bilyo tahay waxaan dhaamin
β Taariikhdu na witiiti iska tahay walacsi kuu dhaafta
β Aynnu nahay wadaal iyo qariib weerar dabajoogo
β Malag aan wax kale qabaninoo waaga tirinaaya
β Waardiyaha ilaashada nafta na waaran baa u goβane
β Waddaa ina sugaysiyo jidkii uu waalidkeen maraye!
β Haddaad se xoolo waafiya dhaqdiyo aqallo waaweyn ba
β Ama aad warshado lee dihiyo waadiyiyo beero
β Ama wiilal badan lee dahayoo wax isku moodayso
β Ama reer waliid sheegatiyo wadar xigaalkaaya
β Wax ba aadan ka sidan maalkiyoo waayey noloshaadii
β Oo maro ku waydaaran baa lagu walaandaynee
β Wartii iyo xabaashaadii baa weec laguu dhigiye!
β Walaal iyo adeer iyo hadduu wehel ku sii raacay
β Warasadaad jeclayd dhoobaday kugu wafiifaane
β Wadiiqadii lagaa keenay bay dib uga weecdaane
β Adigoo welwelayaad indhaha walac ka siisaaye
β Wadnahaa cabsiyi kaa gashaa aad wajacantaaye
β Warran bay ku odhan malagyadii labada waaxoode!
β Weji cadho leh bay kula iman weedh adaan celine
β Wax haddaadan sii dhiganinuu madhan yahay weelkaagu
β Wanaagga iyo tawbada haddaad waayirada goyso
β Waraaqda iyo looxaagii baad wari ka qaadaaye!
β Walaahowga beentiyo dambiga lagu wareegaayo
β Wasladahan la kala boobayiyo waqaska xaaraanta
β Wanjalaadda lagu faanayo ee waraca lays mooday
β Qofkii aan ka waantoobin oo walafka sii raacay
β Wajiguu Ilaah u la tagaa buu wari ka qaadaaye!
β Waaxyihii Jasiiriyo sidii weriyihii Soona
β Ama niman wareegoo arliga camal ka wiideeya
β Ama qolo wadaadiyo Tabliiq aan wacdiga joojin
β Anna waanadiyo gabayadaan idiin waraabshaaye
β Haddii se aan wax lagu qaadaninoo layska waydaarto
β Wabi ooman la ma buuxiyiyo bohoshii waaheene
β Qof kastoo wanaaggii na rabay waa wahsanayaaye
β Dadka se waaxidkiyo wadarta badan labada kii waalan
β Is weyddiiya waayadan shakkigu way iska weyn yahaye
β Waajibka na ilaashada cadaab wiirsi laa jiraye!
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed