Hordhaca uu abwaanku gabaygan u sameeyey wuxuu ahaa sidan:
Gabaygan waxaan tiriyey 1979kii. Anagoo dad gaadha ah ilaa 150 oo ka shaqeeya Xisbigii Urara Bulshada ayaa waxaa nala geeyey Qoryooley si aanu usoo tirino qaxootiga jooga ee Soomaali Aboo, Soomaali Galbeed iyo NFD.
Dhawr iyo labaatan guddi ayaa naloo qaybshay. Makhribkii oo ay qoraxdu sii liiqayso iyadoo shaqada badankeedii noo dhamaatay gudigayagii ayaa waxaa arkay gabadh aan is idhi waa ilaa 17 ilaa 19 jir inta u dhaxaysa, markeedii horena qurux u dhalatay laakiin markaa basaasaysan oo arad ka muuqdo, oo wakhtigaa maqribka ah lagu soo wado guddiga, oo qolyo Guulwade ahi dhabarka kasoo riixayaan, iyaduna ay cagajiid tahay.
Waxaan is idhi waxay ka gebangaabsanaysaa kaalay risaaqadaadaa la qorayaaye, hala tiriyee. Markii habaynkii lasoo guuraynayey oo Xamar lagu soo socday oo basaska la fuushanaa yaa la yidhi Axmadow gabay. Marka ilaa galabtii ayaan waxoogaa isku duduway. Waxaan idhi waxaan la hadlayaa gabadhaa aan galabta arkay. Anigu markaa gabadha magaceeda ma aqoonin laakiin Qaali baan isaga baxshay. Waxaan idhi markaa gabadhii anoo la hadlaya:
Mar unbaad qaxootiga ka bixi, Qaaliyey bariye
Qiso iyo mar unbuu ahaan, qiiq ku soo maraye
Mar unbaad dhulkaad qaayibtoo, qowle tagaysaaye
Qabri Dahare mar unbaad xarago, qoorta lulaysaaye
Dhagaxbuur qabkaagiyo marbaad, qul u hagoognaane
Qardadii Shilaabood marbaad, qurux la laafyoone
Marbaad qooro doogliyo marmari, qadowgii Doolloode
Qabyo kabad ah iyo raar marbaad, maydhaxda u qoyne
Qaranriyo marbaad diiraysaa, Qudhac mulaaxdiiye
Qawdheere baarliyo marbaad, caws qansaxa goyne
Qolqoliyo marbaad dhigi qalwiyo, waxaro qoolkoode
Qar-rog iyo marbaad culanaysaa, qabayo caanoode
Qotan iyo karuuriyo marbaad, qabow shubaysaaye
Qabbiriyo marbaad rarayga dhacay, qoofal sudhaysaaye
Qalabdhabad marbay kugu ag mari, awro qooqaniye
Marbaad qaalimiyo soo celcelin, qaankey didiyeene
Qamuunyada marbaad daynaysaa, qoontay dibintiiye
Qalbiga iyo dhoolaha marbaad, ka qosli doontaaye
Qiiriyo marbay farax ilmadu, kaaga soo qubane
Quwadahaad hardamaysaan marbaa, danni qasbaysaaye
Qaran culus marbuu noqon tolkaa, qoraya taariikhe
Qoonkii ku iibshiyo marbuu, qaban dillaaliine
Qorshaa lagu magaalayn dhakhsaba, howd qorfo ahaaye
Qarri-juqood tareen qiiqayoo, qalalaxlaa mariye
Qalaafo iyo Iimeey warshado, yaa ka qow dhabiye
Qarash culus ayaa laammiyada, loo qarirayaaye
Qandaraasyo waaweyn ayey, qaadan gaaladuye
Buuraha qandoodey ku jabin, qac iyo baaruude
Qawyada mashiin cuna ayaa, lugu qodaayaaye
Qodban doostar leexshiyo jidbaa, qululsanaan meelle
Quustay libaaxyadu u didi, qararka Suudaane
Baabuur ayaa Nogob qulquli, qaarba cayn yahaye
Jet qaraaxadliyo power ayaa, qadhadhacleyn Faafe
Qunyar bay kusoo dagi bannaano, uga qaybnaaye
Qarqarada Bullaaley ka bixi, qariyo liimoone
Waxaa qamandi laga beerayaa, jeexa Qulunquule
Qaarado fog baa lagaga gadi, qiimo saaโid e
Qarbi iyo Baraa soo shixnadi, qalabkay saanteene
Qadar iyo Kuweyt waxaa ka iman, duul qamiisyo leh
Waxa warriye qalas laynayaad, yaab la quduroone
Adoo qooxan oo sabar yar, oo waxaan la quudhayn ah
Qiyaas socod talaabada adoo, qabac ka siinaaya
Qalqaaladiyo howlaha dhismaha, yaad ka qeyb galiye
Dowlado qalaad baad af-baran, waadna qalo goyne
Adigoo dalxiis u qasdayaad, Qaahira u kiciye
Quraacbaad ka cunaysaa Baraag, qadana Baariise (Prague iyo Paris)
Qumaneey quruumaa ku dumay, qaanta kaa maqane
Qubuuraha waxow galay dartaa, qoomam fara weyne
Ragbaa kuu qisaasane yaree, qurubka laabtaada
Murtiyosuugaan